Heesaagii ma dhaafanka ahaa ee Somaliland. Maxamad mooge, wuxuu ahaa macaliin ka tirsanaa Wasaarada Waxbarashada , ka hor intaanu hantiyiin dhegaha dadwaynaha somaliyeed,maxamad, wuxuu hoobal soo shaac baxay sannadihii toddobaatanadii. Maxamad waxaa taliska Somaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyey sannadkii 1971 kii, ka dib marku talisku ku eedeyey inaanu uu jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega ah boobay taladii dalka. Maxamad, intuu dalka gudihiisa joogey wuxuu ku heesi jirey heeso si dad-ban uga soo hor-jeeday taliska Maxamad siyaad barre.
Toddobatanadii ayuu maxamad si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaanu in muudo ah ku noola dalka Kiiniya iyo dalka Ingiriiska, kadib markuu naftiisa uga maaro waayey inay ka indho qarsato durbaanadii beenta ahaa ee loo tumayey Siyaad barre iyo hurintiisa sacabka iyo mashxarada jeclaa.
Dhaqdhaqaaqi ugu horeeyey ee Siyaad diidka ahaa ( SSDF ) ayuu M.mooge ku biiray, waxanuu ahaa hoobalkii ugu horeeyey ee qaaday hees cod lee oo si badheedh ah uga soo hor-jeedda taliska Somaaliya, sida heestii ahayd ee
\” Soomalidu ma hurudaa\” iyo \” Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii luulyo liibaaney kow iyo labaatankii octoobar leeleelay\”.
Maxamad mooge, waxaa aad ugu beerayd nacaybka taliska nacabka ah mana jirinheeso kacaan amaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnay kow iyo labaatanka sannadood ee mugdiga ahaa, xiitamay jirin heeso Maxamad kuu duubay idaacada soomaliyeed, sababtuna waxay ahayd isaga oo uu arkayay idaacado aan ka wakiil ahayn ama ku hadlayn afka shacbiga somaliyeed, sidaa darteed ayaa loo dareemi karaa in heesaha Maxamad ku duuban yihiin cajaladahaa madaxa banaan.
Maxamad mooge fankiisu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mudan fanka loo yaqan \”Fadhiga\”. Maxamad wuxuu lahaa cod lab oo legddan oo hannaan farshaxanimo ku dheehan tahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellanaan, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhegeysato. Maxamad wuxuu ahaa bulshawi, qalbaawi ah , aad iyo aad ayuu naftiisa ugu han-waynaa. Wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Fanka Maxamad ma duqoobi doono inta dad nool yahay.
Maxamad Mooge wuxuu la dhashay hoobalkii kale ee caanka ahaa (ilaahay ha uu naxariistee) Axmad Mooge Liiban.
Maxamad Mooge Libaan Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee wuxu shahiidey 5/6/1984 kii isago hawlihii xoraynta ku fogaan.
Marxuumka ilaahay ha u naxariiste taarikhda uu ku lahaa bulshada af somaliga ku hadasha maaha mid lagu soo koobi karo warqad iyo qalain meel lagu xar xariiqo.
Hadii la is yidhaahdo wax ka qora taarikhdii marxuum Maxamed Mooge Liban gacantu in ay daasho mooyiye uuna qalinku ka daalo maaha mid la soo koobi karo.
Hadaba waxaan ka raali galinaya dadweynaha reer Somaliland iyo inta kale ee afsomaliga ku hadashaba hadii aan ka been sheegay ama aan wax ka khalday geesiga halyeeyga ah iyo fanaannka suuganyahanka lagadaba dhacay.
Waxa tuusaale inoo noqon karta in uu yahay fanaan cod iyo miisanba leh erayadii uu ku luuqeeyay fanaanka caanka ah ee Xassan Adan samatar ee ay ka mid aheed erayadeedu sida lbada aan muuqa lakala garan………….. mahayo manasugaayo iimana maqnee yasalaaaaaaaaaaaaaaaaaam.
Hadaba aynu ka eegno bal qeeb yar ooka mid ahaa heesihiisi uu ku luuqeen jiray codka baxsan inaga oo aan halkan lagu soo koobi karin heesihii uu lahaa marxuumku bal hadana aynu dhoor heesood ooka mid ahaa heesihiisi aynu yara jaleecno.
aniga oo idinka raali galinaaya waxa laga yaaba in aanay sax aheen amba ayna dhameen taas oo ay ugu wacantahay heesaha oo aan ku duubneen keydka heesaha ee radiohargeisa ama radiomuqdisho.
HEESIHII WAXAA KA MID AHAA
Idil
Ninka ila biyo leh OOman ee haraad
Isagoo ildaran Adimada ku marayee
Afku aanu wali galin Eegmaday indhuhu
Aragtida halkay Way oomanyihiin
Uu la kacay naftee Ifka adiga inan’yahay
Ogolaatay baa Adiguna iliimihii
Kalgacalkaag ood Dhacama saartood
Irida u adkaysee Adaan kaa ibtiloobee
Idileey Idileey Adigiyo waanagaan
Wali ulanayaa
Casar Tamashlo
Caad iyo ilays iyo Sida curasho hogoleey
Cadceedo badh hoyataay Cid aad tahay ma garanine
Markaad laabta sida culay Jacayl igu cidaade
Cidi dunida kuma arag Cid leh qurux sidaade
Ku calmadaye inan’yahay hadaan calaf ikaa siin
Cadowgaa u noolow Cid uun baa ku gaadhe ye
DAMAQ IYO XANUUN
Maxaa dayr cad geel hallaaboo Dib jiray uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar Mar baa dirir kuu da’aanood o
Daruuruhu kuu curtaan oo Xareed ku dabbaalataa
Ha dilin hana iga dagaalin Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa
Haween wa ka samir
Anuunbaa sahwiyayoo Doonaayay sida wacan
Inay igula socotee Gidi way ka simanyiin
Cadhada iyo saarkiyo Saha iyo wareeykee
Hadaad sare u qaadiyo Haday silic ku noolyihiin
Labadaba ka simane
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhaamaan Loomaba samaynine
Soo jiray aqoon loo Soomaray dhibtoodiyo
Siduu sheegay waayeel Adiga oo u samo falay
Oo wada sida u roon Oo soo dhaween iyo
Sacabada u gogoloo Siday adiga kula tahay
Mukurka kugu saydhaan
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan Loomaba samaynine
Waanigii sir iyo caad Horaba ugu sahanshayoo
Soo xidhay warkoodii Suubasalaaxiyo inaad saanad gooniya
Wax u siiso mooyee Saan tuun ha eegine
Waa sabi allahayoow Si xun wax u yaqaanee
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan Loomaba samaynine
Deeqa
Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey
hantidii dalkaygaay dhaxalkii dadkaygaay
dhaxantiyo darooraha dadab lagaa galaayeey
doqontaa nasiib lihi marka ay ku dooxdee
midii kaala daashee kugu celisa daabkee
diga rogashadadana dagdag laygu keenayo
aniguba daraadaa waan soo dabaashe
alhayow nin daacada alahayow nin daalina
deeqdaada haw simin
Baxsan
baxasaneey daraadaa habeenko badh tagay baan
soo baraarugaayo beerkayga lahashada
adiga ku beere bilay ooo indha beeshayo
bilicdeedi uu dhacay baqashadu ma fiicno
bari lagama quusto mar uun baad barwaaqiyo
bali rooble hiliyoood bilaahibaan ku dhaartaye
sad bursiimo waad hei
Xanaaq
Waxba yaan xanaaqine Markaan soo xasuuste
Xawalayda naagaha raga wada xumaysee
Xiisaha kagacalkana adaan xaynaka kuu sudhay
xusul duubka orodkii markaan kugu xabeebsaday
xurma daran inaad tahay xogaygaan ku hayste
caashaqa dhabta ah
caashaqa dhabta ah wa lagu dhasha
adigoo dhalaan uu dhakhso ku hela
dhayal buu waqtiga kugu dhaafiya
uu ku dhow yo kaa dheeryaho
dhimashada horteed dhowr bari ku hela
Hibaaq
waxaad tahay hibaaqay hananshada naftaydoo
waxaad tahay halbowlaha kala horaaya dhiigo
afku hibashadaaduu ka dhigta halhayn oo
hadal iyo dhamaantii hees baan kuugu soo diray
cosob
cosob hore dhulkoo leh uu ku celceliyay mayayguna
caadada barwaaqada midho caal guyduud iyo
curdinkii isgu jira badhna ay casaadeen
dhirtu ay la ciirtoo cid ka gurata waydoo
shimbiruhu ka ciyayaan ninka cuud ku foofsada
waxaan kaga calool samahay anoo canab la moodyeey
gogol kugu la caweeya
Doqonow jacaylow
doqonow jacylow sidigii cilmiba dilay
qays oon dambiba galin iil dubuq ku siiye
ismaciilna diig galay dumarkaba ma layside
ma raguun baa lagu diray oo laguugu dawgalay
Axadii
waa la ii adimay axadii sidaan
kuu eegayee arageeda taan
ku ildoogsadaay ma ilowsantahay
axdigaad martiyo meeshaad i tidhi
waan imanayaa eedaanka diigo
oogsaday salaadiyo waago iftiimaan
kaliday inaan ahay ashqaraarka saaroon
adimada cuskadayoon dib u soo aroore
bal kol ay ahaatabaa laba eeftay caawe
Jiilaalku ima karo iyo jidiin cadadkuye
jeex biro ka hadhay iyo jab finiina baan ee
wadnahaygu jalowdiyo ma yaqaan juglayntee
kamaan jiifsan waligay halkay laabtu jamatee
soo jiidh wanaaga jeeniga ku soo qaad
ama ooda soo jabi dhaxantiyo qabawgee
Mudantii haweenkaay
mudantii haweenkaay marwadii la sheege
dadku wada majeertaay dumar lama maseeye
muxibada kalgacalkaay mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaad
ii muuqataayoo mixibada kalgacalkaan
hadba soo mirkacayaa
laabta iyo gaadada
markii aan ladnaadaba sow haweenku ima luro
lule iima qaataan laac iima dhigayaan
oo ima lugooyaan laabta iyo gaadada
lagay dhinac baneeyaan ladadyada jacaylkiyo
ladhbay igu abuuraan
adoo haraadan oo
adoo haraadan oo biyo haysan oo
ku habaabay oomane hogoli meel dheer
haday ka hoorto hamo waxay tidhaahdaa
yaa ku hoos geeye aniga hawlahaagi
iyo hadimadaadii iimaaad hambaynine
Cabdi Qaysba weydee
Wey waabanaysaa waqtiguba ka lumayaa
wey aniga waayuhu iiga kaa wax sheega
waa kii sagaalaad socodkani wanaageey
is weheshigeeniyo kuugu imi waraysiye
in jacaylku waran yahay oon cudur ka weynayn
waa wali asteeye cabdi qaysba weydii
waagaw dhakhso
ma intuu waqtigu i weetaynayaa
waran igu maqnaa wali aan xidhnahay
waagow dhakhso cadceedaay warmaha
ku caddeya waagaba ana wehel laa’n
wadku igu helye
shacbaantii
waxaan tagay shabcaantii markii aad shib iga tidhi
shalaadkaygi diide shaydaanka raacde
adiguna shabeelkiyo shaashlaha libaaxiyo
bahalaha shuraaka ah la shakaalan caashaqa
la shufbeelay hawlaha
anigaba waqtiga qaar
dadaka hayska weynayn inaad kali wax garadtahay
ha iska dhigin walaale anigaba waqtiga qaar
sida wali siraata warka layga gurijiray
wax se wiiqay taladii weydiiyay raganimo
hadba waaga joogaad la tihiin walaalo
waji lacaga bay dumar wacadkaba ku iibshaan
——————————————————————————–
Hadaba inaga oo soo koobi karin heesihii fanaanka caan baxay ee Maxamed Mooge liban.
halkaas aynu ku dhaafno maaha maxamed mooge qof hada la baranaayo waa qof soomali oo dhami ay ogtahay.
Marxuumka waxaanu u rajaynayna in uu ilaahay janadii fardousa ka waraabiyo samir iyo iimaane ka siiyo qaraabadi iyo ehaladii iyo dhamaanba shicibka reer somaliland ama guud ahaan qaarada Afrika waxaa uu ahaa ilays ka baxay qaarada Afrika.
XIGASHO: QARANNEWS>COM
Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla Degmada Buur-hakabe, Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka ku baranayay.
Taariikhda qoraalka far-Soomaaliga
By:Mohamed Rashiid

asaga ayaa soo xiray xaflada dhamaan ciyaar yahanadii waa ay ka wada helen qaabka wada tashiga ee socda
Warkan waxaa noo haya oo tagay xabsiga Tifatiraha allsaadaq Mohamed rashiid