Archive for March, 2009

Kuma ayuu ahaa Maxamed Mooge Liban

March 20, 2009

Heesaagii ma dhaafanka ahaa ee Somaliland. Maxamad mooge, wuxuu ahaa macaliin ka tirsanaa Wasaarada Waxbarashada , ka hor intaanu hantiyiin dhegaha dadwaynaha somaliyeed,maxamad, wuxuu hoobal soo shaac baxay sannadihii toddobaatanadii. Maxamad waxaa taliska Somaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyey sannadkii 1971 kii, ka dib marku talisku ku eedeyey inaanu uu jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega ah boobay taladii dalka. Maxamad, intuu dalka gudihiisa joogey wuxuu ku heesi jirey heeso si dad-ban uga soo hor-jeeday taliska Maxamad siyaad barre.

Toddobatanadii ayuu maxamad si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaanu in muudo ah ku noola dalka Kiiniya iyo dalka Ingiriiska, kadib markuu naftiisa uga maaro waayey inay ka indho qarsato durbaanadii beenta ahaa ee loo tumayey Siyaad barre iyo hurintiisa sacabka iyo mashxarada jeclaa.

Dhaqdhaqaaqi ugu horeeyey ee Siyaad diidka ahaa ( SSDF ) ayuu M.mooge ku biiray, waxanuu ahaa hoobalkii ugu horeeyey ee qaaday hees cod lee oo si badheedh ah uga soo hor-jeedda taliska Somaaliya, sida heestii ahayd ee
\” Soomalidu ma hurudaa\” iyo \” Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii luulyo liibaaney kow iyo labaatankii octoobar leeleelay\”.

Maxamad mooge, waxaa aad ugu beerayd nacaybka taliska nacabka ah mana jirinheeso kacaan amaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnay kow iyo labaatanka sannadood ee mugdiga ahaa, xiitamay jirin heeso Maxamad kuu duubay idaacada soomaliyeed, sababtuna waxay ahayd isaga oo uu arkayay idaacado aan ka wakiil ahayn ama ku hadlayn afka shacbiga somaliyeed, sidaa darteed ayaa loo dareemi karaa in heesaha Maxamad ku duuban yihiin cajaladahaa madaxa banaan.

Maxamad mooge fankiisu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mudan fanka loo yaqan \”Fadhiga\”. Maxamad wuxuu lahaa cod lab oo legddan oo hannaan farshaxanimo ku dheehan tahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellanaan, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhegeysato. Maxamad wuxuu ahaa bulshawi, qalbaawi ah , aad iyo aad ayuu naftiisa ugu han-waynaa. Wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Fanka Maxamad ma duqoobi doono inta dad nool yahay.

Maxamad Mooge wuxuu la dhashay hoobalkii kale ee caanka ahaa (ilaahay ha uu naxariistee) Axmad Mooge Liiban.

Maxamad Mooge Libaan Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee wuxu shahiidey 5/6/1984 kii isago hawlihii xoraynta ku fogaan.

Marxuumka ilaahay ha u naxariiste taarikhda uu ku lahaa bulshada af somaliga ku hadasha maaha mid lagu soo koobi karo warqad iyo qalain meel lagu xar xariiqo.
Hadii la is yidhaahdo wax ka qora taarikhdii marxuum Maxamed Mooge Liban gacantu in ay daasho mooyiye uuna qalinku ka daalo maaha mid la soo koobi karo.

Hadaba waxaan ka raali galinaya dadweynaha reer Somaliland iyo inta kale ee afsomaliga ku hadashaba hadii aan ka been sheegay ama aan wax ka khalday geesiga halyeeyga ah iyo fanaannka suuganyahanka lagadaba dhacay.
Waxa tuusaale inoo noqon karta in uu yahay fanaan cod iyo miisanba leh erayadii uu ku luuqeeyay fanaanka caanka ah ee Xassan Adan samatar ee ay ka mid aheed erayadeedu sida lbada aan muuqa lakala garan………….. mahayo manasugaayo iimana maqnee yasalaaaaaaaaaaaaaaaaaam.

Hadaba aynu ka eegno bal qeeb yar ooka mid ahaa heesihiisi uu ku luuqeen jiray codka baxsan inaga oo aan halkan lagu soo koobi karin heesihii uu lahaa marxuumku bal hadana aynu dhoor heesood ooka mid ahaa heesihiisi aynu yara jaleecno.
aniga oo idinka raali galinaaya waxa laga yaaba in aanay sax aheen amba ayna dhameen taas oo ay ugu wacantahay heesaha oo aan ku duubneen keydka heesaha ee radiohargeisa ama radiomuqdisho.

HEESIHII WAXAA KA MID AHAA
Idil

Ninka ila biyo leh OOman ee haraad
Isagoo ildaran Adimada ku marayee
Afku aanu wali galin Eegmaday indhuhu
Aragtida halkay Way oomanyihiin
Uu la kacay naftee Ifka adiga inan’yahay
Ogolaatay baa Adiguna iliimihii
Kalgacalkaag ood Dhacama saartood
Irida u adkaysee Adaan kaa ibtiloobee
Idileey Idileey Adigiyo waanagaan
Wali ulanayaa

Casar Tamashlo

Caad iyo ilays iyo Sida curasho hogoleey
Cadceedo badh hoyataay Cid aad tahay ma garanine
Markaad laabta sida culay Jacayl igu cidaade
Cidi dunida kuma arag Cid leh qurux sidaade
Ku calmadaye inan’yahay hadaan calaf ikaa siin
Cadowgaa u noolow Cid uun baa ku gaadhe ye

DAMAQ IYO XANUUN

Maxaa dayr cad geel hallaaboo Dib jiray uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar Mar baa dirir kuu da’aanood o
Daruuruhu kuu curtaan oo Xareed ku dabbaalataa

Ha dilin hana iga dagaalin Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa

Haween wa ka samir

Anuunbaa sahwiyayoo Doonaayay sida wacan
Inay igula socotee Gidi way ka simanyiin
Cadhada iyo saarkiyo Saha iyo wareeykee
Hadaad sare u qaadiyo Haday silic ku noolyihiin
Labadaba ka simane
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhaamaan Loomaba samaynine

Soo jiray aqoon loo Soomaray dhibtoodiyo
Siduu sheegay waayeel Adiga oo u samo falay
Oo wada sida u roon Oo soo dhaween iyo
Sacabada u gogoloo Siday adiga kula tahay
Mukurka kugu saydhaan
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan Loomaba samaynine

Waanigii sir iyo caad Horaba ugu sahanshayoo
Soo xidhay warkoodii Suubasalaaxiyo inaad saanad gooniya
Wax u siiso mooyee Saan tuun ha eegine
Waa sabi allahayoow Si xun wax u yaqaanee
Haween u samir Ama waa ka samir
Sidaa waxay ku dhamaan Loomaba samaynine

Deeqa

Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey
hantidii dalkaygaay dhaxalkii dadkaygaay
dhaxantiyo darooraha dadab lagaa galaayeey
doqontaa nasiib lihi marka ay ku dooxdee
midii kaala daashee kugu celisa daabkee
diga rogashadadana dagdag laygu keenayo
aniguba daraadaa waan soo dabaashe
alhayow nin daacada alahayow nin daalina
deeqdaada haw simin

Baxsan

baxasaneey daraadaa habeenko badh tagay baan
soo baraarugaayo beerkayga lahashada
adiga ku beere bilay ooo indha beeshayo
bilicdeedi uu dhacay baqashadu ma fiicno
bari lagama quusto mar uun baad barwaaqiyo
bali rooble hiliyoood bilaahibaan ku dhaartaye
sad bursiimo waad hei

Xanaaq

Waxba yaan xanaaqine Markaan soo xasuuste
Xawalayda naagaha raga wada xumaysee
Xiisaha kagacalkana adaan xaynaka kuu sudhay
xusul duubka orodkii markaan kugu xabeebsaday
xurma daran inaad tahay xogaygaan ku hayste

caashaqa dhabta ah

caashaqa dhabta ah wa lagu dhasha
adigoo dhalaan uu dhakhso ku hela
dhayal buu waqtiga kugu dhaafiya
uu ku dhow yo kaa dheeryaho
dhimashada horteed dhowr bari ku hela

Hibaaq

waxaad tahay hibaaqay hananshada naftaydoo
waxaad tahay halbowlaha kala horaaya dhiigo
afku hibashadaaduu ka dhigta halhayn oo
hadal iyo dhamaantii hees baan kuugu soo diray

cosob

cosob hore dhulkoo leh uu ku celceliyay mayayguna
caadada barwaaqada midho caal guyduud iyo
curdinkii isgu jira badhna ay casaadeen
dhirtu ay la ciirtoo cid ka gurata waydoo
shimbiruhu ka ciyayaan ninka cuud ku foofsada
waxaan kaga calool samahay anoo canab la moodyeey
gogol kugu la caweeya

Doqonow jacaylow

doqonow jacylow sidigii cilmiba dilay
qays oon dambiba galin iil dubuq ku siiye
ismaciilna diig galay dumarkaba ma layside
ma raguun baa lagu diray oo laguugu dawgalay

Axadii

waa la ii adimay axadii sidaan
kuu eegayee arageeda taan
ku ildoogsadaay ma ilowsantahay
axdigaad martiyo meeshaad i tidhi
waan imanayaa eedaanka diigo
oogsaday salaadiyo waago iftiimaan
kaliday inaan ahay ashqaraarka saaroon
adimada cuskadayoon dib u soo aroore
bal kol ay ahaatabaa laba eeftay caawe

Jiilaalku ima karo iyo jidiin cadadkuye

jeex biro ka hadhay iyo jab finiina baan ee
wadnahaygu jalowdiyo ma yaqaan juglayntee
kamaan jiifsan waligay halkay laabtu jamatee
soo jiidh wanaaga jeeniga ku soo qaad
ama ooda soo jabi dhaxantiyo qabawgee

Mudantii haweenkaay

mudantii haweenkaay marwadii la sheege
dadku wada majeertaay dumar lama maseeye
muxibada kalgacalkaay mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaad
ii muuqataayoo mixibada kalgacalkaan
hadba soo mirkacayaa

laabta iyo gaadada

markii aan ladnaadaba sow haweenku ima luro
lule iima qaataan laac iima dhigayaan
oo ima lugooyaan laabta iyo gaadada
lagay dhinac baneeyaan ladadyada jacaylkiyo
ladhbay igu abuuraan
adoo haraadan oo

adoo haraadan oo biyo haysan oo
ku habaabay oomane hogoli meel dheer
haday ka hoorto hamo waxay tidhaahdaa
yaa ku hoos geeye aniga hawlahaagi
iyo hadimadaadii iimaaad hambaynine

Cabdi Qaysba weydee

Wey waabanaysaa waqtiguba ka lumayaa
wey aniga waayuhu iiga kaa wax sheega
waa kii sagaalaad socodkani wanaageey
is weheshigeeniyo kuugu imi waraysiye
in jacaylku waran yahay oon cudur ka weynayn
waa wali asteeye cabdi qaysba weydii

waagaw dhakhso

ma intuu waqtigu i weetaynayaa
waran igu maqnaa wali aan xidhnahay
waagow dhakhso cadceedaay warmaha
ku caddeya waagaba ana wehel laa’n
wadku igu helye
shacbaantii

waxaan tagay shabcaantii markii aad shib iga tidhi
shalaadkaygi diide shaydaanka raacde
adiguna shabeelkiyo shaashlaha libaaxiyo
bahalaha shuraaka ah la shakaalan caashaqa
la shufbeelay hawlaha
anigaba waqtiga qaar

dadaka hayska weynayn inaad kali wax garadtahay
ha iska dhigin walaale anigaba waqtiga qaar
sida wali siraata warka layga gurijiray
wax se wiiqay taladii weydiiyay raganimo
hadba waaga joogaad la tihiin walaalo
waji lacaga bay dumar wacadkaba ku iibshaan

——————————————————————————–

Hadaba inaga oo soo koobi karin heesihii fanaanka caan baxay ee Maxamed Mooge liban.
halkaas aynu ku dhaafno maaha maxamed mooge qof hada la baranaayo waa qof soomali oo dhami ay ogtahay.

Marxuumka waxaanu u rajaynayna in uu ilaahay janadii fardousa ka waraabiyo samir iyo iimaane ka siiyo qaraabadi iyo ehaladii iyo dhamaanba shicibka reer somaliland ama guud ahaan qaarada Afrika waxaa uu ahaa ilays ka baxay qaarada Afrika.

XIGASHO: QARANNEWS>COM

TAARIIKHDA SHEEKH MAXAMED MACALIN XASAN

March 20, 2009

mohamed rashiid Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla Degmada Buur-hakabe, Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka ku baranayay.

Kadib wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah sannadkii 1952-kii. Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la qiimeeyey loo oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee Macaahidda Al-Azhar. Sannad kaddib wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar, gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin, qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay Shahaadada (M. A.) Mastrate. Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay ka qorayey Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada. Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku soo noqday Soomaaliya sanadkii 1968.

Intii uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda Soomaaliyeed ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay dalka,isla bishaas iyo bishii September sanadkii 1968 wuxuu Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee dalka Soomaaliya ee uu xilligaas ku jiray.

Waxaa u soo baxday inay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed baridda iyo baraarujinta diinta Islaamka, waana midda keentay inuu September dabayaaqadeedii isla sanadkaa tafsiir ka billaabo masjidka weyn ee maqaamka Sheekh C/qaadir. Taariikhdan gaaban waxaan ka soo xigtay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ka mid ahaa raggii ay Shiikha aadka isugu dhowaayeen.

Sidoo kale, isagoo ka warramaya wixii kala qabsaday Sheekh Maxamed iyo dowladdii milateriga ayuu yiri Sheekh Axmed, sannad kaddib, markii xukuumaddii milateriga ay dalka ka dhalatay, baraarugga Islaamkana uu si wanaagsan uga socdo magaalada Muqdisho, wuxuu isku dayey maamulkii milateriga ahaa inuu Shiikha ka joojiyo Tafsiirka. Balse, Shiikhu wuu diiday, walow loo magacaabay Agaasimaha arrimaha diinta si uu isaga dhaafo tafsiirka. Sheekhu taa wuu ka dhega adaygay, wuxuuna si dardar ah u watay tafsiirkiisii oo ay u wehliyeen muxaadarooyin diini ah. Sheekh Axmed oo weli ka sii hadlaya arrintaas waxa uu yirii Maamulkii milateriga ahaa wuxuu kaloo isku dayey inuu Shiikha u magacaabo safiir si uu dibadda isaga dheereeyo balse Shiikhu taasna wuu diiday, waxayna keentay inuu ka mid noqdo 54-kii qofood ee shaqaalihii ugu horreeyey ee loo bixiyey liiskii madoobaa ee laga eryey dowladda, wuxuuna ahaa qofkii afraad ee liiskaas ku qornaa.

Arrintaasi uu ku dhaqaaqay maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxba kama beddelin mowqifkii Sheekh Maxamed Macallin, sida uu noo sheegayo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow, maadaama uu lahaa dad fara badan oo aad u jeclaa noloshiisa wax ciriiri ah ma aysan gelin. Wuxuu sii watay Tafsiirkiisii. Dowladdii Barre ayaa xirtay sannadkii 1976-kii illaa 1982-kii isagoo ku xirnaa xabsigii Labaatan Jirow ee Gobolka bay, oo dhib badan loogu geystay. Markii la soo daayey ayuu dib u billaabay Tafsiirkiisii.

Dadkii Sheekh Maxamed la xirnaa waxaa ka mid ahaa Jen Maxamed Abshir Muuse iyo ragg kale oo caan ku ah Shacabka Soomaaliyed, sababta Sheekha loo xiray waxay ahayd Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxay u dhaqmaysay mid ka fog Diinta Islaamka.

August 1984-kii ayaa mar kale amar lagu soo rogay inuu joojiyo tafsiirka, balse wuu diiday, taasina waxa ay keentay in mar kale la xiro xabsigana lagu jirdilo. Dhacdadaaas waxa ay keentay in dowlado badan oo Carbeed iyo dowlado magac ku leh dunida ay Shiikha u soo jeediyaan inuu dalka isaga soo baxo, noloshiisana ay kafaalo qaadayaan. Sheekh Maxamed Macallin ma uusan yeelin, wuxuuna ku adkeystay inuu dadkiisa diinta ku baraarujin doono oo dadkiisu ay u baahan yihiin.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa cajal laga duubay, waxa uu ku sheegay in waxyaabihii ugu darnaa ee noloshiisa soo mara ay ahayd xariggii xabsigii Labaatan Jirow oo lagu gaarsiiyey rafaad iyo cadaab, nimankii askarta ahaa ee aan u xirnaa waxa ay sameynayeen wax kasta oo aniga i dhibaya ayuu yiri mar sii horreysay Sheekh Maxamed Macallin.

Xilli adag ayay ahayd xilligii uu xabsiga ku jiray Sheekhu. Waxaa magaalada Muqdisho ka furnaa 13 Orientation (goobaha hanuuninta dadka) oo Shuuciyadda dadka lagu hanuuniyo, taasina dadka waxay ugu yeereysay in uusan Ilaahay jirin oo dabeecaddu ay wax kasta iyadu maamuleyso. Sida Shiikhu uu sheegay waxaa jiray dad badan oo arrintaa ciidan u noqday. Waxaa Shiikhu dadka uga digi jiray intii aan la xirin shuuciyadda, isagoo aan waxba ka sheegi jirin dowladda. Waxaa dhacday in dadweynhii Soomaaliyeed, ha ahaado dadkii shaqaalaha, ama ganacsatada ama arday ama boolis ama ciidan kale inay ku soo xirmaan tafsiirkii Sheekh Maxamed. Halka ay goobihii Kacaanku ay dadka ku xareysan jireen ay dadkii ku yaraadeen Markaas ayaa la xiray Sheekh Maxamed Macallin.

Sida Sheekh Maxamed Macallin uu sheegay, waxaa u tagay maamulkii Kacaanka odoyaal, waxayna yiraahdeen shiikha haddii aad dambi ku haysataan noo sheeg, haddii kale annagaa damaaano qaadayna ee noo soo daaya. Markaas Maxamed Siyaad Barre waxaa la sheegaa inuu yiri ninkaan (Sheekha) dambi ma laha. Waa nin waddani ah oo toosan, laakiin asna Orientation buu furtay, annaguna 13 Orientation ayaan furannay. Isagii baa dadkii naga leexsaday kolka waan ka xoog badannahay, waana iska xareynay

Sheekhu wuxuu xabsiyadii dowladdii milatirga ku jiray muddo 11 sano iyo dheeraad ah. Waxa uu sheegay mar uu arrintaasi hadda ka hor ka hadlay Sheekhu inaanu is lahayn si ammaan ah ama adigoo nabad ah ayaad ka soo bixi doontaa xabsigii Labaatan Jirow. Markii uu xabsiga ka soo baxay waa uu xanuunsaday, kaddibna dibadda ayuu aaday. Qalliin ayaa lagu sameeyey, waana uu ku ladnaaday. Waxa uu dib ugu noqday casharkii, markuu sagaal cashar galay ayaa xabsiga lagu celiyey. Waxaa la moodayey in dadkii casharkiisa ku xirnaayeen ay is illoobeen, dadkiina waa ay ka soo dareen. Muddadaas dheer ee uu xirnaa, wax is beddel ah noloshiisa kuma imaan Sheekh Maxamed.

Sheekh Axmed Cabdi oo mar kale ka hadlaya sannadihii ugu dambeeyey ee Shiikha waxa uu yiri wuxuu ka mid ahaa shiikhu aasaasayaashii Kulanka Culumada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Kulankaas. Dagaalladii sokeeye kaddib wuxuu Tafsiirka ka billaabay masaajidka Isbahaysiga. Shiikhu wuxuu ahaa qof iimaankiisu sarreeyo, noloshiisa oo dhanna diinta ku kooban tahay, dadkana ay isugu mid yihiin. Aad ayuu u naxariis badnaa. Waxaan oran karaa wuxuu ahaa aabbaha baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin saqi ah oo gacan furan. Hoggaamiye mujaahid ah, ummaddaana sheegi doonta waxtarkiisa. Qiyaastiisa oo idil waxay ku saleysnayd Islaamka. Ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.

Geeridiisa qof kasta ayaa ka naxay oo Soomaaliyeed. Waxa uu ku tibaaxay Sheekh Axmed inay jeclaan lahaayeen inuu maanta la joogo, waxaa naga geeriyooday caalim Islaami ah, oo sida kaalintiisa lagu buuxiyaa ay adag tahay” ayuu yiri Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow.

Sheekh Cumar Faaruuq oo la hadlayey idaacadda BBC-da, waxa uu ku tilmaamay Sheekh Maxamed Macallin inuu ahaa caalim aqoon qoto dheer u leh diinta Islaamka. Sidoo kale, Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu sheegey in inta badan dadka maanta ku hawlan fidinta diinta Islaamku ay wax ka soo barteen Sheekha.

Shariif Cabdi Nuur oo ah nin caalim ah oo caan ka ah dalka Soomaaliya iyo dalalka Islaamkaba ayaa tibaaxay inuu ahaa Sheekh Maxamed Macallin nin furfuran oo faham badan. Isagoo u warramayey Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Shariif Cabdi Nuur, waxa uu yiri Sheekh Maxamed waxaan ku tilmaamayaa nin deggan oo aamus badan oo Qur’aan akhris badan oo laqwiga neceb. Waxa uu sheegay Shariifku inuu ahaa Sheekh Maxamed nin furfuran oo kaftan badan, “aniga iyo asaga waan isla kaftami jirnay kolkii uu ii yeerayo wuxuu iigu yeeri jiray Awkeey Shariif, anigana waxaan dhihi jiray “Shiikh Nawaaq.

Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed oo mar noqday Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, xabsigana ay iskula jireen Sheekha ayaa ka sheekeeyey noloshii dheereyd ee xabsigii Labaatan Jirow. Dhaawac weyn bay ku tahay geerida Sheekh Maxamed Macallin dacwadda Islaamka, gaar ahaan dhulka Soomaalida ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo hadda ka tirsan xarunta cilmi baarista Fiqhiga ee dalka Kuwait.

Sheekh Maxamed Macallin, 30-kii sano ee aan soo dhaafnay dacwadda Islaamka intii uu ka geystay iyo intuu ka qaatay ma jiro ruux ka qaatay. Maxamed Macallin Allaha u naxariisto, geeridu xaq weeye laakiin aad iyo aad baan uga murugsannahay. Waxay ahayd waqti loo baahnaa dacwaddii uu Sheekh Maxamed waday iyo dhallinyaradii uu tacliiminayey, qaasatan tafsiirka Qur’aanka uu ku tarbiyadeyn jiray ayuu yiri Sheekh Cabdiqani.

Sheekh Cabdilqani isagoo ka hadlaya waxbarashadii Sheekha waxaana uu yiri Sheekh Maxamed markii uu tagay Jaamacadda raggii Soomaaliya ka yimid imtixaan ayaa laga qaadi jiray. Ninkii Sheekh Maxamed imtixaanka ka qaadayey inta uu istaagay ayuu madaxa ka dhunkaday. Sheekh Maxamed asagoo caalim ah buu tagay dalka Masar. Nin aad u fahmo badan ayuu ahaa. Xaafid Qur’aan ayuu ahaa, waxaana leeyahay maanta geeridiisu waxay nagu tahay khasaaro. Waa waqti aan u baahannahay oo dacwadda Islaamka Soomaalida looga baahan yahay.

Sheek Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb-gashay aaska Sheekha ayaa isaguna ka hadlay, wuxuuna yiri, Sheekh Maxamed waxa uu ahaa ahammu-shaqsiya diiniya oo ku sugan Soomaaliya. Hadda oo uu dhintayna ma lihi arrintaas ee waxaan qoray sanadkii 1982, mar ay I soo weydiiyeen Raabidadu. Waxaana marqaati ka ah sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed u aaseen.

Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii labaatan jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yiraahdeen Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bisha intaba?.

Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka aqrin jiray. Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo qorraxdaba kala socday duleel yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka. Muddo kaddib duleelkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa. Madaxa askarta xabsiga ayaa la ii geyn jiray maalmo kaddib si la iiga wareysto xaaladdeyda. Waxaan u sheegay in meel duleel ah oo ay qorraxdu ka soo gasho ay dhib igu hayn jirtay, Ilaahay baa meeshii qorraxdu ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo qoraxdii aan ka reystay. Kolkaa aniga waxaan rabaa si geedka loo gooyo, isla markiiba way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yiri Sheekhu.

Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas, waxa uu yiri waxaa iigu yaab badnaa inay anigu caado ii ahayd inaan salaad walba aadaamo, waxayna igu yiraahdeen askartu ‘waa inaad joojisaa aadaanka.’ Waxaan iri xabsiyada dalka oo dhan waa laga aadaamaa ee maxaa keligey la iga rabaa, waxayna yiraahdeen ‘waa amar jooji,’ anigana ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay aadaankii kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu xir xireen (miig). Isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin. Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la ii soo beddelay Xabsiga Dhexe, waxaana la igu xiray qol ciriiri ah oo Shimbiroole la yiraahdo, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay dhilqo fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya. Kaddib askartii gudaha ee xabsiga ayaa go’aansatay inay wax ii qabtaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta ay dhaqeen oo ay mariyeen rinji kaddibna ay ku xireen nal ayay igu yiraahdeen ‘Shiikhow naga raalli ahaaw,’ markaas kaddibna waxay noqotay in qolkii ay ku soo bixiyaan maxaabiista kale laaluush si ay u soo galaan ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Xasan.

Dhallinyarada baraarugga Islaamka ee Muqdisho ayaa ka sameeyey Sheekh Maxamed Macalliin qoraallo badan oo taariikhdiisa ku saabsan, waxaana ay ka sheekeeyeen bilowgiisii geeddi socodka iyo markii uu billaabay inuu raadiyo cilmiga diinta. Waxaa qoraalladaasi ku jira in markii Shiikhu yaraa ee uu geeriyooday aabbihiis Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis. Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu shiikhu raacay abtiyaashiis, sida uu sheegayo mid ka mid ah dhallinyaradii Shiikha haysay taariikhdiisa.

Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si uu kitaab ugu aqristo Baydhabo. Beydhabadii kuma uusan nagaanin Shiikhu oo asagoo meel fadhiya oo nin Imaam uu tujiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fariistay oo yiri ‘kaalay anigaa kuu akhrinaayo oo galbeed baan ku geynayaa.’ Ninkii buu iska soo raacay. Wuxuu yimid Jig-Jiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed C/llaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay. Habeen bey la hoydeen asaga iyo dad kale. Sheekhuna wuxuu ku haray halkaas oo uu ka bilaabay kitaabkii ugu horreeyey Safiinaha ah oo muqtasir ah.

Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay. Macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Shiikhoodaba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la yiraahdo Xaaji Cali oo ka yimid Sacuudiga magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay. Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan ayay ku qoreen majalad ka hadlaysa taariikhda Sheekha. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Buraawi.

Sheekhu, markii uu ka tagay gobolka Soomaali Galbeed waa uu lugeeyey, waxaana uu maray dalalka Itoobiya, Ereteriya, Suudaan illaa uu ka gaaray dalka Masar dabayaaqadi sannadkii 1958-kii. Inta uusan ka tegin gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ka yimid magaalada Hargeysa oo uu ka soo baxay, waxa uu maray Jigjiga iyo magaalooyin kale oo bariga dalka Itoobiya ah. Intii uu joogay Masar Sheekhu wuxuu arday u noqday Sheekhul-Azharkii xilligaas, Sheekh Cabdulxaliim Maxamuud. Sheekh Cabdulxaliim Maxamuud ayaa u ahaa ninka la talinayey markii uu diyaarinayey PhD-da.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladda, dabayaaqadii sannadkii 1950-kii iyo bartamihii 60-kii. Waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikriga iyo siyaasadda. Xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u shaac baxday. Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormuudka ka ahaa oo uu akhriyey kutubadooda. Waxaa ka mid ahaa culumadaas Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Hudeybi. Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Shiikhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna u sheegay BBC-da inuu runtii aad ugu saamoobay arrintaas, aadna uga xumaaday

Hadaba sheekh Maxamed Macallin Xasan waxa uu ku geeriyooday dalka Talyaaniga oo ahaa aabbihii baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Macallin waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa iskugu yimid kumanaan-kun oo qof oo iskugu jira culumada, ducaadda iyo dadweynaha ku nool Xamar.

Sheekh Maxamed Macallin waxa uu ku lahaa magac weyn iyo taariikh dheer Soomaaliyaa. Waxa uu ahaa caalim laga tixgeliyo dhulalka Muslimiinta. Dacwadii Sheekh Maxamed Macallin Ilaahay waa barakeeyey, waxayna aqbalaadda in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo culumada Soomaaliyeed. Sidaasna wuxuu ku noqday aabbaha saxwada Islaamka ee Soomaaliya. Sheekha aaskiisii waxaa iskugu yimid culumo farabadan oo kala leh itijaahyo iyo aragtiyo kala duwan, kana kala tirsan ururrada Islaamdoonka Soomaaliyeed. Shiikhu wuxuu ifka kaga tagay hal wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood.

Geeridiisu waxa ay ka nixisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaasi darteed, Sheekhaas weyn ee caanka ah waxaan leennahay Alle ha u naxariisto, ha u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgoon iyo ha ku siiyo naruuro, Aamiin

Sheikh Maxamed inta uusan dhiman ayuu isagoo xauunsan laga qaaday dalka Sacuudiga, isagoo la socday Wiil La Yiraahdo C/Sitaar Maxamed Cali oo la sheegay inuu haatan ku nool yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

XIGASHO:MIDNIMO.COM

Afka somaliga maxaad ka taqaan?

March 20, 2009

mohamed rashiid Taariikhda qoraalka far-Soomaaliga

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa araa’daa kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.

Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la’aanta af Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la odhan karaa waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Mida labaad waxay ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirtey gobolada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka.

Waxa ay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada Burco. Halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm. Taas oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal af Soomaali.

Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye dhaceen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku aaddaniba ay lumeen.

QORAALADA AY SOOMAALIDU ALLIFEEN

(THE NATIONAL SOMALI SCRIPTS)

Sida aynu horey u soo tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqada ee 1961 kii la soo hor dhigay 11 farood (11 scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori karo oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqadu waxaa ay soo bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doono qeybaha dambe ee qoraalkan). Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doono dhinacyada taariikhda, sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah. Laba ka mid ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 1961 dii ku tilmaameen inay buuxin kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u dhigeen inay ku qiimeeyaan faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.

Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay kala yihiin:
1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).
2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script), waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.
3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.

CUSMAANIYA (FAR SOOMAALI)

Farta Cismaaniyadu waxaa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga ah (National Scripts). Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey fartan waxaa uu dhashay 1898 kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa u dheeraa isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan. Markii hore waxaa uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga.

1920 kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay far Soomaali uu isagu allifay oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta af Soomaaliga. Fartanu waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in la helo shaqalo iyo xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo dhawaaqyada af Soomaaliga. Intii aan la qaadan Far Soomaaliga aynu hada isticmaalo, waxay farta Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan faraha af Soomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof. Waxay dadweynaha fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada af Soomaaliga.

Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah leeyihiin muhimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing and no cursive writing). Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoraalkeeda tirada (numerals). Guddiga Luuqada ee 1961 dii waxaa uu fartan ku tilmaamay inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood. Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan fartan la qaadan.

Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa qoraalada uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yeqaano Macallin Guush oo ku jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo uu isku dubbariddey Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay diyaariyeen Manio, Maria: La Lingua Somala: instrumento D’insegnamento professionale. Alessandria, Italy: Ocella, 1953 iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia. Rome: Instituto Poligrafico dello Stato, 1955.

FARTA KADDARIYA

Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii. Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka (Somali Academy of Sciences and Arts).

Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).

FARTA GADABUURSI

Taariikhdu markii ay ku beegneyd 1933 dii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ka dhashay qoyska Reer Ugaas ee qabiilka Gadabuursiga ayaa waxaa uu allifay Far Soomaali, markii dambena loogu magac daray qabiilkiisa. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa nin wadaad ah oo aqoon fiican u leh diinta Islaamka. Waxaa uu macallin diinta Islaamka dhiga ka ahaa Waaxda Waxbarashadda ee Maxmiyadii Ingiriisiga ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu markii dambe Qaadi ka noqdey magaaladda Boorame, jagadaas oo uu aabbihii uga dambeeyey. Fartaas uu Sheekh Cabdiraxmaan soo saarey waxay ka mid ahayd farihii la soo hor dhigay Guddiga Luuqada.

Fartani waxay ahayd mid ay dad aad u tiro yari yeqaanaan, isla mar ahaantaasna, aysan dadka badankii maqalba. Sidaas darteed, daraasaad badan iyo wax horumar ah laguma sameyn sida tan Cusmaaniyada. Hase ahaatee, waxay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan markii la hor dhigay Guddigii Luuqada ee 1961 dii, waxay ku tilmaameen inay leedahay 5 qoddob oo faa’iido ah iyo 12 cilladdood. Taasina waxay keentay in lagu qanci waayo sidii tii Cusmaaniyada oo kale.

Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftey ee la soo hordhigay Guddiga Luuqada waxaa kala qorey: Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961), Mustafe Sheekh Xasan (1951), Daa’uud Maxamed (1928), Cali Sheekh Cabdullaahi qutbi (1952), Xuseen Xaashi Halak (1960), Maxamed Jaamac Salaad (1960), Qaasim Hilowleh (1960) iyo Maxamuud Axmed Maxamed (1961). Farahan wax qoraalo ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu xusayna waxaa weeyaan Warbixintii Guddiga Luuqada ee 1961 kii.

Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha farahaas iyo shakhsiyaadkii soo saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo. Dhammaan farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad badan oo Soomaaliyeed ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far Soomaalida u gaar ah. Waxa ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku dayay inay aad uga fogaadaan farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii waxay keentay wareer badan iyo xarfaha qaarkood oo isu ekaadaan. Cilladda ugu weyni waxa ay ahayd iyaga oo aan midkoodna isticmaali karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda ee waddanka yaalay.

XIGASHO:Somaliedu.net

ciyaryahan somali ah oo u saftay Juventus : mohamed Rashiid

March 18, 2009

Tifaftiraha:Mohamed rashiid By:Mohamed Rashiid

Xidiga da’da yar ee dalka Soomaaliya iyo kooxda dhalinyarada Juventus Ayub Daa’ud Xuseen Iidow (Daauud Jeenyo) ayaa raja wanaagsan ka qaba in kooxda Juventus ay u cusbooneysiin doonto heshiiska weeraryahanka da’da yar ee dalka Somalia iyo kooxda Juventus, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in laacibkaas looga gacan haatinayo Horyaalka wadanka INgiriiska.

Dhaq dhaqaaqa ku aadan cusboneysiinta qandaraaska uu kula joogo kooxda Juventus ayaa waxaa ay timid kadib markii uu soo bandhigay ciyaaryahan Da’ud qaab ciyaareed la jecleystay tartanka dhalinyarada kooxaha heerka koowaad ee dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Viareggio Carnival Cup.

Weeraryahanka dalka Somalia Ayub Daud ayaa u horseeday kooxda juunyerka Juventus in ay ku guuleystaan markoodi lixaad koobkan oo ah mid aad u xiisa badan, waxaana uu ku guuleystay gool dhalinta tartanka isaga oo ka dhaliyey tartanka 8 gool.

Ayuub oo ah 19 sano jir taageero badan ka kasbaday kooxda Juventus ayaa waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday ciyaartii finalka tartanka Viareggio Carnival Cup oo ay isku haleeleen kooxaha dhalinyarada Juventus iyo Sampdoria, waxaana 4-1 ku badisay kooxda Juventus.

Wakiilka ciyaaryahankan oo lagu magacaabo Ulisse Savini, ayaa sheegay in ay la soo xiriireen kooxo badan oo ka dhisan dalalka Ingiriiska iyo Spain balse muusan carabaabin magacyada koxaha doonaya Ayub Da’ud waxaase kooxahaasi ay qirteen in ay la dhaceen xidigan kubada ku ciyaara labada lug kana soo jeeda dalka ay aafeeyeen dagaalada ee Somalia.

“Ayuub waxaa uu tixgelinayaa sidii uu usii joogi lahaa kooxdan Juve waayo waxaa uu u ixtiraamaa sida qoyskiisa oo kale,waxaa uu rabaa in uu noqdo qof muhiim ah oo si toos ah ugu biira kooxda kowaad ee Juventus,laakin waxaan filayaa in dhawaan ay heshiiska ucusboneeysiiyaan wiilkan da,ada yar”sidaa waxaa yiri wakiilak ciyaaryahan Ayuub ninka lagu magacaabo Ulisse Savini mar uu wareeysi siiyey wargeeyska sida aadka ah logaga aqristo dalka Talyaaniga ee Tuttomercatoweb.

Ayub waxaa dhalay Xidigii hore ee dalka Somalia Daud Xuseen Iidow (Daauud Jeenyo) oo ka mid ahaa xidigihii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed iyo kooxdii heerka koowaad ee Jeenyo LLPP, Wiilkaan da’da yar ee ka ciyaara dhinaca weerarka waxaa uu tagay dalka Talyaaniga isaga oo 5 sano jir ah,waxaa uu usoo ciyaaray kooxda qaranka Soomaaliya ee da,doodu ay ka hooseeyso 21-sano jirrada.

Mustaqbalka Ciyaaryahankaan Soomaaliyeed ayaa ah mid soo ifaaya, wuxuuna yahay Ciyaaryahankaan mid leh saanqaadka Aabihii Daa’uud Gacamay oo si wayn looga yaqaan Dalka Soomaaliya.

by mohamed rashiid

SawiradaTifaftiraha: Mohamed rashiid

March 18, 2009

Tifaftiraha:Mohamed Rashiid

Waxaa uu ku howlanaa xiligan
xafladii loo dhigayay dhalinyarada
xaafada Garsoor ee magalada galkacyo

hadaba daawo sawirada Tifaftiraha superz09 iyo allsaadaq, Mohamed rashiid

Mohamed rashiid

waxaana halkaasi joogay maamulka photada Balance ee galkacyo cabdicasii isxaaq oo halkaasi ka wacyi galiyay dhalinta sportiga ee halkaasi joogay

cabdi casiis isxaaqasaga ayaa soo xiray xaflada dhamaan ciyaar yahanadii waa ay ka wada helen qaabka wada tashiga ee socda

By: Mohamed Rashiid

Tifaftiraha: Mohamed rashiid

March 18, 2009

Mohamed Rashiid Warkan waxaa noo haya oo tagay xabsiga Tifatiraha allsaadaq Mohamed rashiid
Agaasimaha telefishanka madaxa banaan ee ETN Bosaso Cabdiweli Shiikh Xassan ayaa maanta xabsiga dhexe ee Bosaso loo dhaadhiciyey, Weriye ka tirsan telefishanka ETN Maxamed Maxamuud Ilkacase aya xaqiijiyey in xafiiskiisa galabta laga ka xaystey Cabdiweli, mana jirin wax waaran ah ama digniin ah oo soo gaarey.
Mar aan isku dayney inaan ogaano sababta loo xirey Cabdiweli Shiikh Xassan ayeysan noo suuroobin, wayna ka gaabsadeen maamulku in ay wax tafaasiil ah ka baxsho.
Cabdiweli Shiikh Xassan ayaa ahaa madaxa Telefishanka ETN kaas oo dhidibada loo taagey 2005tii, waxaana sidoo kale dhawaan uu xarun ku yeeshay Magaalada Nayroobi isaga oo laga daawado aalada Satalaytka.
Waa markii u horeysey tan iyo markii la asaasey telefishanka ETN in xabsiga la dhigo Cabdiweli Shiikh Xassan.
Maamuladii Puntland soo maray ayaa ku caanbaxay in ay cunaha qabtaan saxaafadda madaxa banaan, iyaga oo tacadiyo kala duwan u geystey suxufiyiinta ku hawlan hawlo maalmeedkooda.
Updated: 18.03.2009
Maamulka Puntland ayaa markii u horeysey ka hadley xariga Cabdiweli Shiikh Xassan, Cabdishakuur Mire Adam ayaa sheegay inaan cabdiweli lagu haysan wax la xiriira arimaha saxaafadda lakiin lagu haysto denbi kale, waxa uu sheegay haddii la xiro inaaney ahayn macnaheedu in lagu xirey arimo saxaafadeed, waxaan la xiriirney hay’adda garsoorka Bosaso waana ay ka gaabsadeen in ay cadeeyaan in loo haysto denbi kale, sidey doontaba ha noqotee waxaa mar dhaw lag wadaa in la cadeeyo sababta uu u xiran yahay Cabdiweli Shiikh Xassan.

By Mohamed rashiid

Hello world!

March 18, 2009

Welcome to WordPress.com. This is your first post. Edit or delete it and start blogging!


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.