Mudaharad ka dhacay bosaso manta

March 24, 2009

allsaadaq
Bosaso: Ciidamo Ilaalo hayay ayaa xalay abaaro 12;25daqiiqoEe saqdii dhexe waxaa lagu weeraray goob ay Ilaalo kahayeen, Ciidamada oo xiligaas heegan kujiray ayaa waxaa soo weeraray kooxo hubaysan oo aan ilaa iyo iminka aan lagaranayn haybtooda laguna sheegay in ay ahaayeen afar rag kuwaasi oo doonayay in ay wax yeelo ugaystaan ciidamada ilaalada kahayay aaga shirkadda GOLIS sida ay ii sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinka ciidamada pooliska puntland .

Ciidanka ayaa lagu weeraray hubka gacanta laga gano iyadooxalay intabadan badan laga maqlayay qaraxa loogaystay ciidamada oo ahaa mid sharqantisu ay waynayd

Hadaba Sida ay wax udhaceen ayaa Ii suurta gashay in an saaka kawareysto taliye kuxigeenka ciidamada Poliska Puntland Maxed Saciid Jaqanaf mar aan saaka hiirtii waberi aan kubooqday xafiiskiisa, taliyuhu waxa uu ii cadeeyay in ay jirto in lasoo weeraray ciidamadaasi ilaalada kahayay aaga shirkada isgaarsiinta ee GOLIS laakiin ilaa iyo iminka aysan jirin cid wax kunoqotay Weerakaasi waxana uu taliyuhu carabka kudhuftay in aysan jirin cid kamid ah ciidamada oo qasaare kasoo gaaray weerarkaasi oo dhamaan ciidamadii goobta joogay uu caafimaadkoodu wanaagsanyahay ,

Taliyaha ayaa ii cadeeyay in ay haatan baarayaan cidii kadanbaysay weerakaasi oo haatan ay baaritaan hayaan iyadoo uu sheegay taliyuhu in ragii gaystay weerakaasi ay baxsadeen oo aysan jirin cid gacanta lagaga dhigay ragas soo weeraray ciidamada ilaalada hayay

Taliyaha ayaan waydiiyay halka uu kudanbeyay shiikhii ay ciidamadu gavanta kudhigeen shalay waxa uu taliyuhu ii cadeeyay in shiikhaasi ay haatan gacanta kuhayaan ciidamada Poliska Puntland Oo haatan ay xaaladiisa caafimaad ay wanaagsantahay taliyahu wax uu ii cadeyay in gudi loo saaray baara kiiska loohaysto shiikhan kuwaasi oo ah ilaa heer wasiiro ah gudigaasi oo u xalay magacaabay madaxweyne kuxigeenka puntland.

Marka lagatago mudaharaadki shalay Dhacay haatan waa side xaalada Guud Ee magaalada Bosaso taliyaha Oo aan saaka kubooqday xafiiskiisa ayaa ii cadeeyay in xaalada guud ee magaalada bosaso ay haatan wanaagsantay iyadoo haatan ay jiraan ciidamo polis ah kuwaasi oo sugaya amaanka magaalada oo ilaalo xoogan haya ,

Xaalada guud Ee magaalada bosaso ayaa saaka degan iyo xalayba marka laga tago mudaharaadkii shalay galab kadhacay gudaha bosaso mudaharaadkaasi oo lagu taageeraray shiikha ay shalay ciidamadu gacanta kudhigeen

Goobihii shalay mudaharaadku kadhacay ayaa saaka intabadan degan marka lagatago raadkii ay kureebeen dadkii shalay laamiga kusamaynayay mudaharaadka Laamiga bosaso ayaa intabadan waxaad ku arkaysaa raadkii ay kureebeen dadkii mudagaraadayay iyadoo arkayso madawgii ay laamiga kureebeen shaagagii shalay ay gubeen dadkii mudaharaadka samaynayay iyo sidoo kale dhagxaan teel teel ah oo yaala qaybo kamid ah laamiga

Xigasho:allsbc.com

Advertisements

Taariikhda Mohamed A kuluc

March 23, 2009

Mohamed Rashiid

Xigasho:Taariikh.Tripod.com
Maxamed Ahmed Kuluc wuxuu bilabay fanka isagoo yar waxayna haayd sanadi kii 1954 kii wuxuuna ka bilabay kooxihii fanka ee waqoyiga halkaas oo uu ku soo barbaray garhaan maglada Hargaysa kuluc wuxuu ka mid yahay fananaita canaka ah aad iyo aadkan loo jecelyahay wuxuu ka qayb galay riwaayado iyo barnaamijyo farabadan oo maha wax tiro lagu gaadhi karo wuxuu ka mid aha asaasyaashii fanka wuxuuna sida ku noqday fanaanka ugu heesaha badan adaba qiyaas nin bilabay 1954 ilaa iyo manta soo waday hada wuxuu ku nolyahay yurub gaar ahaan Ingiriiska Magalada Landon halkaas oo uu ka dhigo bar maamijyo badan hadan wuxuu marayaa waqoyiga Amerika halkaas uu uu bar waxa ku kalifay in uu wado fanka wuxuu yiri waxan raba in somalida aan u wado dhaqankooda aana mar walba aan u wado waxaan raba in aanay mar danbe iga xiisa dhicin o oran dhulkayagii baanu waynaye yaan fananaitayadana waayin wuxuu hada riwayada ka wada magalada Atlanta ee gobalka Georga isaga iyo c/laahi sabriye oo aha isna fanan can ah oo ka mid ahaa fanaaniitii Waabeir

With Mohamed Rashiid

Tariiikh cabdi Bile

March 23, 2009

Iyadoo la aasaasay xiriika somaaliyeed ee Olympiga sanadkii 1959 ayey xiriika caalamiga ee ciyaarah olympigu aqoonsadeen sandkii 1972 markaas oo ay soomaliya u surta gashay inay isla sanadkaasba markii u haraysay kasoo qayb gasho ciyaarihii lagu qabanayey magaalada Munich ee dalkii jarmalka galbeed. Fursadaan cusub waxay u saamaxday soomalida inay soo dirsadaan ciyaartooydoodii ciyaaraha fudud kuwoodii u wanaagsanaa kuwaas oo laga xusi karo boodaaga soomaliyeed ee Cabdulle Nuur Waasyge oo booda bootinta dheer iyo tan sareba. Waasuge waxuu sanadkaas muujiyey dadaal iyadoo uu bootinta dheer ku boday 7.35m, halka ninka sanadkaas ku guulaystay billadii dahabka ahayd William Randy ( USA) uu ku buuday 8.24. Ciyaarihii Munich waxaa aad loo xasuustaa weerarkii eey koox falstiiniyiin ahi ku qaadeen kooxdii ka socotay Israel 5 sep 1972, halkaas oo eey ku dileen 9 ciyaartooy markii danbena ragii weerarka soo qaaday ay dileen boliska jarmalku.

Iyadoo markale laga baqaayo weerar la mid amaankana aad loo ilaaliyey olympigii xigay ee lagu qabtay magaalada Montoreal ee Canada 1976, ayaa waxaa sanadkaan halis ku noqday ciyaarah markii ay 24 dal oo isugu jira afrikaan iyo carabian ay ka dareereen ciyaaraha iyagoo sabab uga dhigay dalka New zealand oo diiday inuu xiriika ciyaaraha u jaro dowladii midabtakoorka ee Koofur Afrika taas oo xiriirku mamnuucay kasoo qaybgalkooda ciyaarah. Xilagaan iyo kii xigay ee 1980 ciyaarihii lagu qabtay magaalada Mosko ee midowgii sofiyeeti Somaliya midnaba kama soo qayb gelin, iyadoo Moskona ay qaadaceen wadamo badan oo rer galbeed ah ka dib markii uu madaxwaynihii maraykanku Jimmy Carter kusoo rogay qaadacaad, iyadoo cabasho laaga dhigay qabsashadii ay soofiyeetku qabsadeen dalka Afganistan. Maqnaashaha somaliya lama hubo inuu arimahaas salka ku hayey iyo inay la xiriirtay dalka oo mudadaasba dagaal lagu hoobtay kula jiray dalka aan deriska nahay ee Ethopia.

Waxayse soomalia markale soo xaadirtay madashii ciyaaraha ee Los Angels 1984, oo ay iyadana qaadacen wadamadii shuuciga iygoo aargudsho uga dhigaya tilaabadii uu maraykanka iyo reergalbeedku ka qaadeen mosko. Waqtigaan oo eey ahayd markii eey somaliya ugu tabaabushaha fiicnayd, dhinacyo badan awgood qayb ahaan ciyaartooyda eey soo dirsatay tayadooda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen , Cabdi bile 800m iyo 1500m. Ibraahin Cukaash 400m iyo 800. jamac M. Aden 400m iyo qaarkale oo badan. Ibraahim cukaash ayaa asagu ku orday 400m 47.9 sek. Halka orodyahankii qaatay billadii dahabka ahayd Babers, Alonza ( USA) uu ku cararay 44.2sek. halkaas oo aan ka arki karno in sekano yar uun u dhexeeyeen biladii dahabka iyo Cukaasha. Dhalinyaradan oo waaya argnimo iyo xirfad dheer ah soo kororsatay iyo ciyaaraha oo guud ahaan xiiso badan sii yeelanaayey gudaha somaliya ayaa ka dhagay markaas Ciyaarihii xigay ee seoul 1988 kuwa dad badan oo ciyaaraha xiiseeyaa ay u muuqatay inay tahay markii ay somaliya heli lahayd biladeedii daabka ee u horaysay oo olympic ah.

Orodyahanada sida aadka ah isha loogu haayey waxaa ka mid ahaa halyey cabdi bile oo asigu sanad kahor ku guulaystay rikoor cusubna u dhigay horyaalka aduunka ee 1500m ciyaarihii lagu qabtay septemper 1987 magaalad Rome. Ma ahayn soomalida keliya kuwa ku tilmaamayey in Cabdi yahay musharaxa bilada dahabha orodka 1500 m, ee waxaa kaloo fekradaas qabay kuwa badan oo ka faalooda ciyaarha iyadoo weliba wargayska sportska caanka ku ah ee (Sports Illustrated) uu ku tilmaamay Cabdi bile. “Halyeeyka dhabta ah ee dalka ooman” U ooman biladaha. Taas waxaa sii xoojiyey wacdarihii ay ka dhigeen cabdi bile iyo cukaasha ciyaarihii lagu qabtay laba bilood kahor seoul magaalada Kvarnsveden ee dalka Sweden.

Waxaase lamafilaan ku noqotay markii wax yar ka hor ciyaarihii seoul aay soo baxday in Cabdi bile oo ka haray tartamadaas dhaawac ku soo gaaray isagoo tabarbar ku jira aawgiis. Hase yeeshee waxaa uga qayb galay somalia tartamayaal kale waxaana ugu soo dhowaaday Ibrahim Cukaash oo soo galay kaalinta 8aad orodka 800m, oo uu ku guulaystay orodyahanka kenyanka ah ee paul Ereng. Oo ku orday 1.43.45 daqiiqo. Taas oo la mid ah intuu uu ku orday Cukaasha 800m Kvarnsveden. Orodkii 1500m ee seoulna waxaa biladii dahbka ku guulaystay ordyahnka kale ee reer kenya ee RONO PETER kaas oo ku orday 3 35 96 daqiiqo. Rono wuxuu ku haray wareegii hore ee oradadii lagu qabtay Rome 1987, kuwaas oo uu ku orday cabdi bile 3:35:67 markii uu ku guulaysanayey horyaalka. Cabdi bile waxuu sanad ka dib seoul ku orday 3:30:35, oo ah rikoorkiisa u sareeya ciyaarihii ka dhacay Magaalada Rieti ee talyaaniga 3 september 1989. taas oo waxbadan ka yar rikoorka maantadaanba u yaal olympiga oo ah 3:32:07. Inkastoo la dhahi karo ciyaarihii seoul waxay ahayd fursadii ugu dhpwayd ee somalida hadana halkaas kuma istaagin ee Somalia waxay dadaal ugu sii jirtay sidii ay ku gaari lahayd iyadoo bartilmaameedkii xigayna uu ahaa magaalada barcelona.

Xigasho;Taariikh.tripod.com

With: mohamed Rashiid

Madaxweynihii Hore ee dalka somali Abdullahi yusuf

March 23, 2009

Mohamed rashiid

Xigasho:taariikh.tripod.com

Waxa uu ku dhashay Gaalkacyo, Puntland – Somaaliya bishii Diseenbar 1934 kii.

Waxaa u dhaxda marwo Xaawa Abdi Samatar oo ay isu dhaleen afar caruur ah: Maxamed, Maryan, Khadiija iyo Axmed

WAXBARASHADA

1954-1957 Kulliyadda Tababarka Saraakiisha, Italy.

1965-1968 Kuliyadda Dagaalka (Staff & Command), Midowgii Soofiyeeti ee hore.

1977- Ku biiray Kuliyadda Sharciga – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Haysta billad-geesiyo iyo kuwo hoggaan.

SIYAASADDA IYO MILATARIGA

Gaashaanle Sare – Ciidamda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxa xafiiska shaqaalaha iyo tababarada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka horyimid af-ganbigii milatari ee Maxamed Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969-kii wuxuuna ku mutaystay lix sano oo xarig ah.

1977-kii Dagaalkii Ogaadeen kadib waxa uu kamid ahaa saraakiil damacday in ay xukunka ka tuuraan xukuumaddii Barre.

1978- kii Waxa uu Itoobiya ka aas-aasay jabhaddii SSDF.

1985-kii Waxaa xiray taliskii Mengistu Haile Marian kadib markii uu ka horyimid sheegashada Itoobiyaa dhulkii ay jabhaddu xoraysay.

1991-kii waxa uu dib u habeeyay Jabhaddii SSDF kadib markii laga soo siidaayay xarigii Itoobiya.

1991-Waxa uu madax ka noqdaya guddigii xaaladda deg-degga ee goballadii Waqooyi Bari (Bari, Nugaal iyo Mudug) oo hadda iyada oo ay ku biireen Sool, Sanaag iyo Cayn loo yaqaano Puntland. Guddigu waxa uu mas’uul ka ahaa difaaca dalka ee colaadaha sokeeye.

1996-1997-kii Waxa uu kamid noqday guddoomiyayaashii wareega ahaa ee Golaha Badbaadada Qaranka (Sodare)

1998-kii waxaa loo doortay madaxweeynaha xukuumaddii koowaad ee Dawlad–Gobaleedka Puntland

Waxa uu xiriir aad u wacan la leeyahay madaxda dawladaha dariska ah ee Itoobiya iyo Keenaya iyo waliba Yaman

Saamayn wayn iyo qadarin qoto dheer ayuu ku leeyahay Soomaaliya iyo dibaddaba

ARAGTIDIISA SOOMALIYA

Dawlad Federaal ah oo ay awoodda leeyihiin goballadu

Ganacsiga suuqa xorta ah

Nabad ku wada noolaansho wadamada dariska ah ee Geeska Afrika

Xiriir adag oo uu la yeesho wadamda Galbeedka

MABAADII’DA, IYO QAAB NOLOLEEDKIISA LIFE

Waa nin dhamaystiran, lehna mabaa’di siyaasadeed oo aan is bad-badal lahayn

Waa hogaamiye si wayn uga soo horjeedda wax is-daba marinta iyo danaha shakhsiga

Waa shakhsiyad aan balwad lahayn, hadday ahana lahayd sigaar, qaad iyo dhamaan noocyada kale ee balwadda

Xigasho:Taariikh.tripod.com

With: Mohamed Rashiid

Taarikh kooban Ali mohamed geddi

March 23, 2009

mohamed rashiid

Xigasho:superz09.wordpress.com
Aabihii wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada military-ga Soomaaliyda.

Wuxuu ra’iisul wasaaruhu waxbarashadiisa hoose, dhexe, sare iyo Jaamacadeedba ku qaatay isla magaalada Muqdisho, isagoo Jaamacaada Ummadda Soomaaliyeed kuliyadda daawada iyo xanaanada xoolaha ka baxay sanadkii 1978-dii, wuxuu kaloo wax ku bartay Jaamacadda Pisa ee dalka Talyaaniga, oo uu ka qaatay shahaadada Phd.

Howlaha uu soo qabtay

Wuxuu macalin ka ahaa sanadkii 1983 ilaa 1990 Jaamcadda ummadda Soomaaliyeed kuliyadda daawada iyo xanaanad xoolaha.

Wuxuu ilaa labadii kun iyo sadexdii la soo shaqeeyay Xafiiska Africa ee khayraadka xoolaha oo hoos taga ururka Midowga Africa, wuxuu mar noqday sarkaal laga tashado ganacsiga xoolaha iyo suuqgaynta ee xafiiska aan soo sheegnay, xaruntiisuna ahayd magaalada Nairobi ee Kenya.

Wuxuu sanadkii 1997-dii ahaa sarkaalka suuqgaynta u qaabilsan Shirkadaha ganacsi ee Dayax iyo Ramadan oo ka shaqaynayay Muqdisho, Djibouti iyo
Bujumbura (burundiMudane Cali Maxamed Geeddi, wuxuu ka qaybgalay shirar dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha dalka iyo dibadiisaba, waxaa ka mid ahaa shirkii 1997-dii hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Qaahira oo uu ka ahaa la taliye.

Geddi’s profile in English

Wuxuu xoghaye guud ka ahaa shirkii nabadda iyo dib u heshiisiinta ee bulshada ku dhaqan gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya oo 1998-dii ilaa 1999-kii ka dhacay magaalada Beledwayn ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu ka qaybgalay ama abaabulay siminaaro iyo aqoon iswaydaarsiyo kala duwan oo ku saabsan dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho

Wuxuu 1994 ilaa 1996-dii ahaa guddoomiyaha Daladda NGO-yada Soomaaliya oo xarunteedu ahayd magaalada Muqdisho. 1992 ilaa 1994, wuxuu guddoominayay ururka Dhaqaatiirta Xannaanada xoolaha ee Shabeelaha Hoose oo Jowhar saldhigeedu ahaa.

Wuxuu daabacay qoraallo shan ka badan oo intooda badan quseeya xanaanada xoolaha iyo beeraha.

Xigasho:superz09.wordpress.com

Wih;Mohamed rashiid

Taarikh koban oo ku saabsan Alaha u naxariistee Mohamed igal

March 23, 2009

saadaq89

Xigasho:taariikh.tripon.com
Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.

Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Warbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirta xagga ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Soomaali-Land.
Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.

Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.

1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kaluu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.

10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.

Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii .

21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal waxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo agacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.

1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-dii.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii hore daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaali-Land.

Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur ah oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi.

Xigasho:taariikh.tripod.com

With:mohamed rashiid

Taariikh koban muse suudi

March 23, 2009

Qeybti ( I )
Soomaaliya waxaa soo maray rag fara ku tiris ah oo ka tegay raad lagu xasuusto iyo qaar hadda nool oo ku mashquulsan taariikhdi ay ka tegi lahaayeen.

Ragga manta nool waxaa ugu cad cad ninka la yiraahdo Muuse Suudi Yalaxow. Waa nin ad-adag oo aan lagu aqoon been iyo cabsi, wuxuu ku caanbaxay ka dhabeynta ficil ahaaneed wixi uu ku hadlo.

Taariikhdu waa ay xusi dhacdooyinki badnaa uu dhigay ama sababtooda uu lahaa iyo tan uu manta ku mashquul sanyahay oo ah inuu dagaal weyn ka qarxo gobolka Banaadir. Dagaalkaas oo ujeedooyin badan xambaarsan.

Waa midda horee in lagu bara kiciyo, lana xasuuqo ummadda faraha badan ee masaakiinta ah ee kala gaari la’ baahidooda maalmeed, kuna hamminaaya ineey mar un helaan dowlad soo celisa nabadda, nidaamka, kala dambeeyn iyo adeegyadi aasaasiga ahaa.

Waa midda xigtee inuu dagaalku gaaro gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u burburto Dowladdi lasoo foolinaayay muddadi labada sano iyo dheeraadka aheyd ee saldhigga ku meelgaarka ah ka dhigatay halkaas.

Waa midda ugu daranee, in rajada nabadeed iyo wada heshiisiinta ay u dhunto, dibna loogu noqdo colaadi, kala qeyb sanaanti, markaasoo ay isbaarooyinki u fududaanayaan ineey sii badiyaan ragga maanta hubka culus gacanta ugu jiro, kuna amar ku taagleeyaan ummadda maasaakiinta ah.

Muuse Suudi waa nin ay ka go’an tahay “waari meysidee war hakaa haro”, taariikhdiisa oo qeyba qeybo ahna waxay ku keydsan tahay bogagga Internetka Soomaaliyeed, kubaasoo isugu jira codkiisa iyo qoraalaba. Dhacdooyinka waaweyn ee lama illaawaanka ah ee loo nisbeeyana intooda badan asaga ayaa naf ahaantiisa caddeystay.

Taariikhda iyo wixi ay ka qortaba waa midaan la baajin Karine, dagaalkaas mala baajin karaa ? Yaase baajin kara ?

Qeybti ( II )

Taariikhdu waa ay xusi qofkastoo ka dhex muuqda ummaddiisa, sida jirtana Muuse Suudi Yalaxow waa uu ka dhex muuqdaa ummadda Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuusan doonaa hadaladiisa culculus e xag jirka ah iyo tallaabooyinki xoogga lahaa ee uu ku hakiyay dawladihi la’isku dayay in laga hirgeliyo magaala madaxda Somaaliyeed.

Waxaan shaki laheyn in uu Muuse Suudi Yalaxow ka geli bogagga hore taariikhda qarniga 21aad, mar uu ka hadlay afhayeenkiisi hore Dr. Culusow (Black), wuxuu yiri “ Muuse wax ma dhisee wax buu dummiyaa ”. Hadalkaas miisaanka leh meel cidla ah ma dhicin, sida hadda muuqatana, Xaajiga wuxuu ku guda jiraa sidi uu u dummin lahaa maamulka ka dhisan gobolka Banaadir, taasoo uu u arko haddii uu ku guuleysto inuu hubo burburinta dawladda Federaalka ee ku meel gaarka ah ee deggan Shabelaha Dhexe.

Ma’aha marki ugu horreeysay ee uu Muuse Suudi jallaafo u dhigo dawlad ama dad doonaaya ineey nidaam unkaan. Wuxuu qeyb Libaax ka ciyaaray dumminti dawladdi Cali Mahdi Maxamed, taasoo aad iyo aad loogu hanweynaa ineey ummadda ka tir-tirto diifti iyo dar xumadi ka soo gaartay xukuumaddi Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa ku xigay dawladdi la’isugu tagay ee lagu dhisay magaalada Carta ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taasoo uu adeegsaday naf iyo maalba sidi ay ku dummi lahayd, aaqirkiina bacaadka ayeey afka la gashay.

Qeybti ( III )

Muuse Suudi Yalaxow wuxuu uga duwan yahay raggi ku soo biiray masraxa siyaasadda ama taariikhda Soomaaliyeed tan iyo goortii la riday xukuumaddi Siyaad Barre, fikradaha la yaabka leh ee xagjirka ah ee aan ku qotomin qabiilka. Illaa iyo haddana lama garan ujeedadiisa iyo halka uu beegsanaayo, waa nimmaan u rooneyn dadkiisa, deriskiisa iyo kuba ka fogba.
Inkasto uu la wadaago isbed-beddalka fikradeed ragga siyaasiinta isku sheega ama loo yaqaanno hoggaamiyayaasha intooda badan, haddana waxaad arkeysaa inuusan lahayn aragti dheer, taasoo iftiimisa biya dhiciisa, illaa iyo haddana lama garan hal beeggiisa.

Muuse waa ninkii garoonka diyaaradaha caalamiga ahaa ee Muqdisha dhagaxa ku daadiyay, waa ninkii general Ceydiid qabarkiisa keenay, degmada Madiina ka qaxiyay dadki aasaaskeeda lahaa, qaarna ay ku naf waayeen. Waxaa intaas sii dheer degmada Kaaraan oo ahayd xuddunti reerkiisa inuu u rogay goob aan leyku salaamin.

Taariikhda Muuse laguma haayo deeq ama gargaar uu u fidiyay goob waxbarasho ama caafimaad, waxaase badan oo lagu xasuusan doonaa qadooyin ii dhex ah uu bixiyay.

Xigasho:taariikh.tripod.com

U fiirso si dagan

March 22, 2009

Aniga shaqsi ahaan murugada muuqaalka sawirkani i baday iyo sida uu xaqiiqa jirta ugu taagan yahay markaan dhuuxay waxay iga keentay intan:

Qab qab dhaafay soomaaliyey qaran ma noo diidey?
Qaashkiyo bilaawaha miyaa la isku qaaxeeyey?
Qaarqaadka dhaawaca miyaa qawyo laga daadshey?

Qoorgooyadeenii miyaa xabashi qoondeeyey?
Qabriguna sad weeyee dugaag maydka ma u quudhnay?
Qufta iyo waraabaha miyaa qaarar kala jiitey?
Ma qasaareheenaa waxgarad qoomamada ooyey?

Sawirkaa waxan jecelahay in aan intaa ku dhaafo oo maanta cidna loo fasiri maayo, wuxuuna tusaale cad u yahay dabin laynoo dhigay oo aynu si hawl yar qoobka ugu ridaney. Qof kasta oo Saamaaliyeedna waxan odhan lahaa si fiican ugu fiirso, waraabayaasha hoos jooga oo maydka iyo dhaawaca sugayana kan ugu weyni waa jaarkeena oo markii horena waranka iyo tooreyda isugu keen dhiibey.

(Sawirka II), kani labaad wuxu ka koobanyahay 9 qaybood oo isku xidhan oo ka tarjumaya siyaasad ugu yaraan 200 oo sano ka hor dhidibada loo aasay oo taliskii Xabashidu qarniyo hore dejitsey marnana aanay ka tanaasulin, ahna majaraha u xariiqan oo nin kasta oo madax ka noqdaa raaco fulintiisuna waajib ku tahay, bal isna ila arka:

(1) Tan ugu horaysaa waxay ina tusayaa taariikhdaas halkii boqortooyada Abasiiniya ay geeska Afrika kaga tiil iyo intii dhul u ahayd.

(2) Waxay ina tusaysaa muddo sodon sano ka yar halkii ay gaadhey iyadoo adeegsanaysa hubkii ay gumaystayaashu reer Yurub ku caawiyeen gaar ahaan (Ingriis, Faransiis iyo Ruush), Waxaadna arkaysaan sida 30 sano mudo ka yar dhulkeedii u afar laabmay.

(3) Iyadoo ujeedadeeda weyni tahay in ay xalaalaysato oo looga hadho wixii ay dhul maroojisey waqtigii xukunkii Minilik, waxay Qaramada Midoobey waydiisatey in wadamadii talyaanigu xukumayey lagu wareejiyo (Somalia iyo Eriteria ), halkaana mashruucii inta ka hadhsan ka dhamaystiro oo badda CAS iyo Badweynta HINDIYA halkaa gacanta kala gaadho.

(4) Eriteria way ku guulaysatey badda casna jid bay u heshay dhulkii ay hore u boobtayna waa u xasiley. Waxana arrintaas si gaara gacan ugu siisay dawladda Maraykanka oo ku hawlanayd markaas dagaalkii Kuuriya oo isagana loo balan qaaday in qaacidad laga siin doono Badda Cas ee Eriteria marka ay xukunka amxaarada hoos timaado.

(5) Intii u dhexaysey 1960-77, waxa gacanta gumaysiga ka xoroobey saddex qaybood oo ka mid ah qaybihii isticmaarkii reer Yurub iyo Amxaaro u qaybiyeen dalka Soomaalida.

(6) Xaile Salaase wuxuu sheegtay markii u horaysey in xeebta Soomaaliyeed ee faransiisku gumaysto ay tahay gobol ka lumay. Wuxuuna soo jeediyey in ama gumaysiga Fransiisku sii joogo ama isaga lagu soo wareejiyo.

(7) Waa sida Abasiiniya noqon la hayd haddii ay u hirgeli lahayd sheegashada Xayle Salaase. Isla waagaa, Xabashidu waxay balan qaaday in goor ay noqotoba ay Jabuuti gacanteeda soo geli doonto. Laakiin shacabka reer Jabuuti way ka tashadeen in aanay qawlalada waraabaha ku dhicin, ilaahna waa ku guuleyey.

(8) Xabashidu iyada oo aad moodo in ay si fiican u dhuuxday murtida Soomaaliyeed oo leh: Gudiney gobolkay baa kugu jiree ima goyseen, bay waxay heshiis la gaadhey Jabhadii la odhanjirey SNM. Warkaasi wuxu ku soo baxay wargeysyo kala duwan uu tusaale u yahay (Cosmopolite n.6, Abril 1986).

Heshiis kaasi wuxu dhigayey in: (I) Amxaarku taageero buuxda siiyo sidii ay u samayn la haayeen “Northern State” oo ka gooniya Jamhuuriyadda Soomaaliya kana go’da oo ka kooban waqooyi galbeed. (II) In amxaaro markaa ka dib ay xoogaa ka mid ah hawdka uu ugu soo daridoonto. (III) Taasina ay ku xidhantahay in dawlad ku sheegaa cusubi uu dhexdhexaad ka noqdo waxa dhex mari doona xabashi iyo Jamhuuriyadii Soomaaliya waxa ka hadha oo ay ku duuli doonto.

(9) Jidka Xabashi u jeexani wuxuu ahaa in marka hore iyada oo waqooyiga la adeegsanayo Soomaali laba loo kala gooyo. Marka xigta in koonfur lagu duulo oo la qabsado. Intaasi markay isku dubadhacdo in waqooyi la yiraahdo adna qaranka cusub ku soo biir. Run ahaantiina qofka Soomaaliyeed oo Xabashi daboor u noqdaa mashruucaas uun buu wax ka fulinayaa.

Aniga oo laga yaabo in aanan ereyada sidoodi u qoran ee macnaha soo qaatay, intaa waxaa ku eg, aragtidii qotada dheerayd oo Dr. Cumar soo raaciyey khariidada aynu ku magacownay (Sawirka II).

Mohamed rashiid

Baro dadka tarikhda kugu jira

March 22, 2009

BY saadaq Taariikh kasta oo aduunka ka bilbaabataa waxay ku bilaabataa qof magacii taariikhdeenu waxay ku bilabtay inaga oo ah dad somali ah lakiin marka lago waa ku sii kal horaynaa somali nimada taariikheedan waxaa si ad iyo aad ah ugu soo dagalamay dad aad u badan uu uuka mid ahaa ninkii canka ahaa ee Maxamed Cabdule Xasan (Sayidka) markaa isaga ayaan ka bilabayana barashada dadka caanka a kuna jira taarikhda Somalida iyo tan adunkaba.

Waxaan rabaa in aan idiin sheego sida ay u soconayso barnaamijkani wuxuu su socanayaa wixii magac ah waa keenayaa wixii Taariikh nololeed ah baan ku so qorayaa ee sidaa ula socada waxaan kaga bialabay Sayidka taariikhdiisa Waxaan ka bilabaya markuu dhashay Kabacdina wuxuu soo kordhiyey iyo meeshuu ku danbeyey

waana tanaa.

wixii qalad ah oo aad ku aragtaan soo sheega

waataan taariikhdii sayidka gabadh soomaliyeed sis
Dhalashadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego; ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.

Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.

Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeednna. waxuu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa.

Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada “Casuura” oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey shiikh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna caan baxdey “Caro Seed” waxa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.

Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta “Taleex” 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah

Maxamed cabdulle xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo “Sacmadeeqo” oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay “Gobaysane”,Waxaana la sheegay inuu ahaa gu’ barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii”scw” magaca da’da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay.wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn.Dabeecada ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo

Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey “Kud quraan”. maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.

Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go’nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.

Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa’ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi. jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi “Cilmigii Abokor-fooldheere” ayaa buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan “Cilmiaale” oo afka carabiga furaha u ah, markaasna

Xigasho:dollo.com

MUCJISADII DAAHSOONAYD

March 21, 2009

Waxaa la yiri: “Waxaa jiray dhul aan la aqoon wax ku dhaqan iyo wax ka jira toona, xilliguna aad ayuu uga fogaa maantadaan dunida la inoo sheego dadka ku nool tirsigiisa, bahallada, cayayaanka, iyo dhammaan waxaa noole jira oo dhan tabta ay u nool yihiin. Waxaa la sheegay in ay meeshu ku oollayd bad dhexdeed oo gasiirad yar ay ahayd. Cidina ma ay tegin waligeed sida ay sheegeen dadkii halkaas berriga uga dhawaa oo qiyaastii 300 oo mayl u jiray. Waxaa kaliya ee la maqlay waxaa ay ahayd in nin badmaax ah oo wata tobaneeyo qof uu halkaa beri u hayaamay oo sheegay inuu soo sahamin doono kobtaa iyo waxa ku dhaqan. Waxaa ayaan danbe la maqlay inuu halkaasi jinni iyo wamaa jaan ay foodda isku dareen. La sheeg in 9 ka mid ah dadkaasi le’deen halka mid ka mid ahi uu baxsaday asagoo aan far la saarin oo qolyihii ay kobtaas isku farasaareen iskood u soo daayeen si uu bal dadkiisa uga sheekeeyo halaaggii la baday iyo waxa uu soo arkay intaba.
Anagoo 10 Nin ah oo wadanna dooni yar oo annaga iyo raashinkayaga ka badan aan qaadin waa tii aannu aroor hore halakan ka tagnay. Waa tii aad ogeydeen sidii aynu isu macasalaamaynay.Waa tii aad nala dardaaranteen.Waa tii raggiina golaha ayaantaas joogay aad ballan qaaddeen haddii aan soo noqon wayno inaad carruurtayada iyo dadkii aanu masuulka ka ahayn aad masuuliyaddooda qaadi doontaan. Sidaas iyadoo ah waa tii aanu baxnay oo foodda saarnay kobtii aan ku ballanay inaan qabanno ee gasiiradda ahayd. Waxaannu sii soconaba 4 beri iyo dhawr saacadood ayay nagu qaadatay inaanu gasiiradda tagno. Markaanu u soo dhawaanay gasiiraddii ayaa waxaa noo muuqday qudbi dheer oo u eg tower ama qudbi masjid, waxaa kale oo indhahayagu qabteen cagaar dhag ah oo geedo waa weyn ah oo gasiiradda daanteeda soo saaran asaad moodid inuu is haysto meeshoo dhan. Waxaa nagu soo baxay meel aad mooddo in doomuhu ku xirtaan oo deked u eg. Waxaan u hollanay inaan ku xiranno halkaa kol haddaan soo dhawaanay. Isla jeer ahaanba waxaa badda nagaga soo baxay yuug iyo wamaayuug wax u eg oo 6 hal ah. Bahal ma uu ahayn, waana u ekaayeen. Hortayada midbaa istaagay. Shan halna dhinacyada ayay naga mareen. Muuqu waa wax weyn oo ballaaran madaxa uga eg dad, addimmo bahalna leh. Ballaarkiisu waxa uu naga qariyey wixii gasiiradda u ekayd. Oo waxaa isku gudbay Kii hortayada taagnaa. Dhinacyadana waxaa naga maray kuwii kale oo waxaanu noqonay wax ku dhex jira goobaabin aan laga bixi Karin.

Waxaannu noqonay wax dayoobay oo lumay, waxaana is qaban wayey wixii hore noogu muuqday iyo waxa hadda na horyaal. Waxaa nagu dhacay argagax iyo amankaag.

Doonta waxaa noo saarnaa raashin biyo nadiif ah iyo hu’ aanu huwanno oo dhaxanta ka huwanno. Waxaa kale oo noo saarnaa hub aan ahayn mid casri ah ee laga sameeyey baaruuda qaraxda iyo warmo iyo gaashaan aanu isku daafacno. Waxa meesha ka socdayse waxba kamay tari hayn inay dhibka nagu sii badiyaan mooyee.

Sinnaba uguma aanu hollan inaan la dagaallanno ama iska dhicinno cadawga. Midkii na hortaagnaa ayaa madaxii aadka nooga fogaa ee aad moodaysay inuu cirka biyo ka cabbayo noo soo duwey oo asagoo aad mooddo inuu naga ilaalinayo inuu madaxiisu nagu dhaco, waxa uu noo soo jirsaday wax yar oo taabasho ay gaarto.

Madaxu wuxuu le’ekaa dhawr guri oo la isku furay oo magaalo cammiran ku yaal. Wuu hadlay oo kaaga darane afsoomaali ayuu wuxuu ku yiri” Ma I garanaysaan nimanyahaw?”

Waxaa nagu sii batay argagaxii iyo ashqaraarkii. Sidii aanu is ogayn ayaa waxaanu wada niri ”Maya” mid aamusay mooyaane. Mid naga mid ah ayaa aamusay oo aan jawaabin. Waxa uu yiri ”ninkaas ayaa i garanaya ee mawaanu idiin kay sheegin?”- ”Maya” ayaanu niri inta wada eegnay Ninkii! Intaas markii aanu is weydaarsannay ayuu madaxiisa la laabtay oo bartiisii kula noqday. Ma aanu wada hadlin sidii aanu xerada jin u soo galnay. Waxaa misna noo muuqday wax kale oo sidii gacan oo kale ah, waa nala ka qaatay ninkii aamusay, meel la dhigayse ma aanu arki karin oo baaxadda bahalka ayaa nagu gudbanaa waliba aad noogu dhawaa. In yar ka dib waxaa samada nooga yimid wax sidii daah cad u eg oo magnet wata, halkaas ayaa waxaa na dafay magnetkii oo waxa uu noo waday meel aan la arki karin. Laftayadu xataa isma aanu arki karin oo waanu kala dhunnay sidii dad indhala ama sidii qof toosh indhaha looga ifiyey oo kale ayaanu dayoownay, yaabkiina nagu sii biiray. Waxaa nala sii waday muddo aad u yar oo malaha saacado ah waxaan ku indha kala qaadnay dhul aad u weyn oo ay ku nool yihiin dad ka badan dadkeenna oo dhammaantood wada xiiran oo mid timo ku yaalliin aanu jirin oo dhegi ka go’an tahay. Waxaa dadka dhex fadhiya oday timo leh oo malaha da diisu tahay 50 jir, aad u xooggan oo qaba dhar boqortooyo oo aad u yaab badan. Asaguse dhegihiisu waa ay u dhamaayeen oo midina kama ay go’nayn sidii dadka kale. Kursiga uu ku fadhiyona waxaa ku xardhanaa dahab iyo maar. Laba nin oo aad u xooggan ayaa labada dhinac ka kala taagnaa, mid seddexaadna dhabarkiisa ayuu si dirqi ah uga muqdaa.

Annagu waxaanu nahay sagaal qof waxaa kaliya oo naga maqan ninkii ugu horreeyey ee nalaga qaatay oo asagu aan ka dhex muuqan dadka meesha ka muuqda.

Waxaa hadal bilaabay boqorkii oo yiri: ” waxaan ahay boqor Maareeye! waxaan ahay boqorka goobtaan magaceeda la yiraado Yamaarug. Waxaan halakan ku noolaa oo xukun kaan aabahay ka dhaxlay ku hayay 391 sanadood oo sanadka aadanaha ah oo u dhiganta 23 sanadood oo tirsiga dadkayga ah. Waxaan halakan ku hayaa waxyaalo aan oollayn halka aad adinku ka timaadeen. Waxaan maanta idin tusinayaa awoodda alle i siiyey iyo mucjisooyinka aniga ii gaarka ah.

”Waxaan ka mid ahaa 3 walaalo ah oo ilmo boqor ah oo aan anigu ugu yaraa, waxaana na dhashay hooyo kali ah oo waxaanu kala weynayn 15 sanadood oo u dhiganta 255 sanadood oo tirsiga aadanaha ah midkiiba. Anigu 30 sano ayaan ka yaraa kan weyn oo curadka ahaa. Markii aanu wada dhalanay oo aabahayo uu wali dhallinyaro yahay ayaa waxaa xukunkii ku qabsaday adeerkay oo aabbahay ka weynaa oo aan caruur lahayn. Guddigii dadkayaga ayaa arrintaas u diiday inuu boqrtooyada aabahay ka qaato si aany u burburin burjiga iyo jiritaanka boqortooyadu maadaama aanu adeerkay wax dhili jirin oo uu ciniin ahaa.

Sidaas ayaa aabbahayo ku qabsaday xukunka kobtaan. Asagoo hadalkiisii sii wata waxaa uu boqorkii yiri,Yamaarug waa mid ka mid ah 4ta boqortooyo ee ilma YOOFIL ee ku dhaqan dhulweynaha la yiraado Yamays. Waa boqortooyada ugu awoodda yar 4ta boqortooyo oo laba ka mid ah ay ka kala taliyaan walaalahay, midna uu ka taliyo Yay oo ah la taliyihii adoogay. Oo asagu xukunka qabtay 12 sanadood hortood. Anigu waxaan ka masuul ahay dhulkaan Yamaarug iyo wixii agtiisa ka dhoow, sidaa darteed aniga ayaa u xilsaaran wixii ilaaq aadane ah iyo wixii unuunka korkiisa nooga yimaada. Ciidankayga waxaa ugu awood yar kuwii idin soo qabtay, waxaana la yiraadaa Yutulub. Waxaan idin tusidoonaa waxaa ka jira halakan ee bal fiirsha! Waxaa mar kaliya naga qarsoomay dadkii iyo boqorkiiba. Waxaa na saaqday yalaalugo iyo hurdo wada socda. Waxaan noqonnay dad dayoobay, ammin yar ka dib ayaa waxaa furmay albaab ku beegan halkii uu boqorku fadhiyey, waxaanu galnay meeshii mise waa duni lagu indho daraandaro oo waxaa yaalla aad yaab u dhimanaysid. Waxaanu aragnay waxaa nafta u roon oo dhan hadduu yahay dahab, lacag, cunto, beero, wabiyo, iyo wax aan la soo koobi karin oo dhan. Waanu sii yaabnay, waxaanu u mahadnaqnay ilaahay. Waxaanu is niri boqorku waa nin wanaagsan oo waa uu idinka yaabinayey ee waa uu idin wanaajinayaa deetana idin dayn doonaa.

In yar ka dib ayaa waxaa noo timid gabar qurux badan oo aanu waligayo arag wax la qurux ah intaan noolaa, aadna mooddo in gacanta lagu qoray. waxay noo wadday meeshii wabigu naga xigay, waxay ku dul socotay biyihii, annaguna waanu kula dulsoconnay mana aanu qoyin. Waxaa hoos u furmay kadin kale, markii aanu galnayna waanu ka yaabnay. waxaa joogay makhluuq ka badan kii hore oo uu boqor kale dhex joogo. Sidii kii hore ayuu hadalkii ku bilaabay sidaan:

”Waxaan ahay boqor MUKUL lana dhashay boqor Maareeye, waxaanan idin tusi doonaa wax idin ka yaabiya” markaas ayuu soo qabtay ninkii naga maqnaa oo hortayada soo taagay asagoo qaawan asaan cawro ka muuqan, wuxuu yiri uga sheekee nimankaan siday halakan ku yimaadeen. Waxaa uu hadalkii ku bilaabay sidaan: ”Nimanyahaw anigu ma ahi aadane ee waxaan ka mid ahay dadka boqortooyadan, waxaanan ka maqnaa wax yar oo dhawr sano ah, waxaan ahaa nin u eg sidii kuwa ina soo qabtay oo kale ah, ha yeeshee waxaan sidiina u ekaadaa kolka aan hawl muhiim ah qabanayo oo aan aadanaha dan ka yeelanno. Waxaan magaladiina imid 3 sano oo tirsigayaga ah hortood, habeen la arkana waxaan u soo hoyan jiray kobtaan oo boqorka ayaan warka u keeni jiray. Waxaan ahay ninkii magaaladiinna u sheegay inuu soo sahamin doono gasiiraddii aynu u soconnay, ulajeedkaygu waxaa uu ahaa inaan aadanaha halakan keeno oo boqorka ayaa u baahday shaqo aadane si ay u fuliyaan aan halakan u keeno dad waliba rag ah. Marka ogaada inaad hawl qaban doontaan muhiim ah oo aad noqon doontaan dad hoos yimaada boqor MUKUL sida aniga oo kale. Markaas ayuu boqorkii ul uu haystay ku soo yuubay ninkii mase waa tabtii beledii kolkii hore na heshay oo kale ee madax aadanaha lahaa. Ee meel naga fog ka muuqda asaan boqorkii naga qarin.

XIGASHO:Aftahan.com