TAARIIKHDA SHEEKH MAXAMED MACALIN XASAN

mohamed rashiid Sheekh Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Qur’aanka ku bartay isla Degmada Buur-hakabe, Sagaal jir markuu ahaa ayuu Qur’aanka dhammeeyey, kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan ee Islaamka ku baranayay.

Kadib wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah sannadkii 1952-kii. Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la qiimeeyey loo oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare ee Macaahidda Al-Azhar. Sannad kaddib wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar, gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin, qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay Shahaadada (M. A.) Mastrate. Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay ka qorayey Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo bulshada. Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku soo noqday Soomaaliya sanadkii 1968.

Intii uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda Soomaaliyeed ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay dalka,isla bishaas iyo bishii September sanadkii 1968 wuxuu Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee dalka Soomaaliya ee uu xilligaas ku jiray.

Waxaa u soo baxday inay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed baridda iyo baraarujinta diinta Islaamka, waana midda keentay inuu September dabayaaqadeedii isla sanadkaa tafsiir ka billaabo masjidka weyn ee maqaamka Sheekh C/qaadir. Taariikhdan gaaban waxaan ka soo xigtay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo ka mid ahaa raggii ay Shiikha aadka isugu dhowaayeen.

Sidoo kale, isagoo ka warramaya wixii kala qabsaday Sheekh Maxamed iyo dowladdii milateriga ayuu yiri Sheekh Axmed, sannad kaddib, markii xukuumaddii milateriga ay dalka ka dhalatay, baraarugga Islaamkana uu si wanaagsan uga socdo magaalada Muqdisho, wuxuu isku dayey maamulkii milateriga ahaa inuu Shiikha ka joojiyo Tafsiirka. Balse, Shiikhu wuu diiday, walow loo magacaabay Agaasimaha arrimaha diinta si uu isaga dhaafo tafsiirka. Sheekhu taa wuu ka dhega adaygay, wuxuuna si dardar ah u watay tafsiirkiisii oo ay u wehliyeen muxaadarooyin diini ah. Sheekh Axmed oo weli ka sii hadlaya arrintaas waxa uu yirii Maamulkii milateriga ahaa wuxuu kaloo isku dayey inuu Shiikha u magacaabo safiir si uu dibadda isaga dheereeyo balse Shiikhu taasna wuu diiday, waxayna keentay inuu ka mid noqdo 54-kii qofood ee shaqaalihii ugu horreeyey ee loo bixiyey liiskii madoobaa ee laga eryey dowladda, wuxuuna ahaa qofkii afraad ee liiskaas ku qornaa.

Arrintaasi uu ku dhaqaaqay maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxba kama beddelin mowqifkii Sheekh Maxamed Macallin, sida uu noo sheegayo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow, maadaama uu lahaa dad fara badan oo aad u jeclaa noloshiisa wax ciriiri ah ma aysan gelin. Wuxuu sii watay Tafsiirkiisii. Dowladdii Barre ayaa xirtay sannadkii 1976-kii illaa 1982-kii isagoo ku xirnaa xabsigii Labaatan Jirow ee Gobolka bay, oo dhib badan loogu geystay. Markii la soo daayey ayuu dib u billaabay Tafsiirkiisii.

Dadkii Sheekh Maxamed la xirnaa waxaa ka mid ahaa Jen Maxamed Abshir Muuse iyo ragg kale oo caan ku ah Shacabka Soomaaliyed, sababta Sheekha loo xiray waxay ahayd Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxay u dhaqmaysay mid ka fog Diinta Islaamka.

August 1984-kii ayaa mar kale amar lagu soo rogay inuu joojiyo tafsiirka, balse wuu diiday, taasina waxa ay keentay in mar kale la xiro xabsigana lagu jirdilo. Dhacdadaaas waxa ay keentay in dowlado badan oo Carbeed iyo dowlado magac ku leh dunida ay Shiikha u soo jeediyaan inuu dalka isaga soo baxo, noloshiisana ay kafaalo qaadayaan. Sheekh Maxamed Macallin ma uusan yeelin, wuxuuna ku adkeystay inuu dadkiisa diinta ku baraarujin doono oo dadkiisu ay u baahan yihiin.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa cajal laga duubay, waxa uu ku sheegay in waxyaabihii ugu darnaa ee noloshiisa soo mara ay ahayd xariggii xabsigii Labaatan Jirow oo lagu gaarsiiyey rafaad iyo cadaab, nimankii askarta ahaa ee aan u xirnaa waxa ay sameynayeen wax kasta oo aniga i dhibaya ayuu yiri mar sii horreysay Sheekh Maxamed Macallin.

Xilli adag ayay ahayd xilligii uu xabsiga ku jiray Sheekhu. Waxaa magaalada Muqdisho ka furnaa 13 Orientation (goobaha hanuuninta dadka) oo Shuuciyadda dadka lagu hanuuniyo, taasina dadka waxay ugu yeereysay in uusan Ilaahay jirin oo dabeecaddu ay wax kasta iyadu maamuleyso. Sida Shiikhu uu sheegay waxaa jiray dad badan oo arrintaa ciidan u noqday. Waxaa Shiikhu dadka uga digi jiray intii aan la xirin shuuciyadda, isagoo aan waxba ka sheegi jirin dowladda. Waxaa dhacday in dadweynhii Soomaaliyeed, ha ahaado dadkii shaqaalaha, ama ganacsatada ama arday ama boolis ama ciidan kale inay ku soo xirmaan tafsiirkii Sheekh Maxamed. Halka ay goobihii Kacaanku ay dadka ku xareysan jireen ay dadkii ku yaraadeen Markaas ayaa la xiray Sheekh Maxamed Macallin.

Sida Sheekh Maxamed Macallin uu sheegay, waxaa u tagay maamulkii Kacaanka odoyaal, waxayna yiraahdeen shiikha haddii aad dambi ku haysataan noo sheeg, haddii kale annagaa damaaano qaadayna ee noo soo daaya. Markaas Maxamed Siyaad Barre waxaa la sheegaa inuu yiri ninkaan (Sheekha) dambi ma laha. Waa nin waddani ah oo toosan, laakiin asna Orientation buu furtay, annaguna 13 Orientation ayaan furannay. Isagii baa dadkii naga leexsaday kolka waan ka xoog badannahay, waana iska xareynay

Sheekhu wuxuu xabsiyadii dowladdii milatirga ku jiray muddo 11 sano iyo dheeraad ah. Waxa uu sheegay mar uu arrintaasi hadda ka hor ka hadlay Sheekhu inaanu is lahayn si ammaan ah ama adigoo nabad ah ayaad ka soo bixi doontaa xabsigii Labaatan Jirow. Markii uu xabsiga ka soo baxay waa uu xanuunsaday, kaddibna dibadda ayuu aaday. Qalliin ayaa lagu sameeyey, waana uu ku ladnaaday. Waxa uu dib ugu noqday casharkii, markuu sagaal cashar galay ayaa xabsiga lagu celiyey. Waxaa la moodayey in dadkii casharkiisa ku xirnaayeen ay is illoobeen, dadkiina waa ay ka soo dareen. Muddadaas dheer ee uu xirnaa, wax is beddel ah noloshiisa kuma imaan Sheekh Maxamed.

Sheekh Axmed Cabdi oo mar kale ka hadlaya sannadihii ugu dambeeyey ee Shiikha waxa uu yiri wuxuu ka mid ahaa shiikhu aasaasayaashii Kulanka Culumada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Kulankaas. Dagaalladii sokeeye kaddib wuxuu Tafsiirka ka billaabay masaajidka Isbahaysiga. Shiikhu wuxuu ahaa qof iimaankiisu sarreeyo, noloshiisa oo dhanna diinta ku kooban tahay, dadkana ay isugu mid yihiin. Aad ayuu u naxariis badnaa. Waxaan oran karaa wuxuu ahaa aabbaha baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin saqi ah oo gacan furan. Hoggaamiye mujaahid ah, ummaddaana sheegi doonta waxtarkiisa. Qiyaastiisa oo idil waxay ku saleysnayd Islaamka. Ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.

Geeridiisa qof kasta ayaa ka naxay oo Soomaaliyeed. Waxa uu ku tibaaxay Sheekh Axmed inay jeclaan lahaayeen inuu maanta la joogo, waxaa naga geeriyooday caalim Islaami ah, oo sida kaalintiisa lagu buuxiyaa ay adag tahay” ayuu yiri Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow.

Sheekh Cumar Faaruuq oo la hadlayey idaacadda BBC-da, waxa uu ku tilmaamay Sheekh Maxamed Macallin inuu ahaa caalim aqoon qoto dheer u leh diinta Islaamka. Sidoo kale, Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu sheegey in inta badan dadka maanta ku hawlan fidinta diinta Islaamku ay wax ka soo barteen Sheekha.

Shariif Cabdi Nuur oo ah nin caalim ah oo caan ka ah dalka Soomaaliya iyo dalalka Islaamkaba ayaa tibaaxay inuu ahaa Sheekh Maxamed Macallin nin furfuran oo faham badan. Isagoo u warramayey Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Shariif Cabdi Nuur, waxa uu yiri Sheekh Maxamed waxaan ku tilmaamayaa nin deggan oo aamus badan oo Qur’aan akhris badan oo laqwiga neceb. Waxa uu sheegay Shariifku inuu ahaa Sheekh Maxamed nin furfuran oo kaftan badan, “aniga iyo asaga waan isla kaftami jirnay kolkii uu ii yeerayo wuxuu iigu yeeri jiray Awkeey Shariif, anigana waxaan dhihi jiray “Shiikh Nawaaq.

Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed oo mar noqday Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, xabsigana ay iskula jireen Sheekha ayaa ka sheekeeyey noloshii dheereyd ee xabsigii Labaatan Jirow. Dhaawac weyn bay ku tahay geerida Sheekh Maxamed Macallin dacwadda Islaamka, gaar ahaan dhulka Soomaalida ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo hadda ka tirsan xarunta cilmi baarista Fiqhiga ee dalka Kuwait.

Sheekh Maxamed Macallin, 30-kii sano ee aan soo dhaafnay dacwadda Islaamka intii uu ka geystay iyo intuu ka qaatay ma jiro ruux ka qaatay. Maxamed Macallin Allaha u naxariisto, geeridu xaq weeye laakiin aad iyo aad baan uga murugsannahay. Waxay ahayd waqti loo baahnaa dacwaddii uu Sheekh Maxamed waday iyo dhallinyaradii uu tacliiminayey, qaasatan tafsiirka Qur’aanka uu ku tarbiyadeyn jiray ayuu yiri Sheekh Cabdiqani.

Sheekh Cabdilqani isagoo ka hadlaya waxbarashadii Sheekha waxaana uu yiri Sheekh Maxamed markii uu tagay Jaamacadda raggii Soomaaliya ka yimid imtixaan ayaa laga qaadi jiray. Ninkii Sheekh Maxamed imtixaanka ka qaadayey inta uu istaagay ayuu madaxa ka dhunkaday. Sheekh Maxamed asagoo caalim ah buu tagay dalka Masar. Nin aad u fahmo badan ayuu ahaa. Xaafid Qur’aan ayuu ahaa, waxaana leeyahay maanta geeridiisu waxay nagu tahay khasaaro. Waa waqti aan u baahannahay oo dacwadda Islaamka Soomaalida looga baahan yahay.

Sheek Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb-gashay aaska Sheekha ayaa isaguna ka hadlay, wuxuuna yiri, Sheekh Maxamed waxa uu ahaa ahammu-shaqsiya diiniya oo ku sugan Soomaaliya. Hadda oo uu dhintayna ma lihi arrintaas ee waxaan qoray sanadkii 1982, mar ay I soo weydiiyeen Raabidadu. Waxaana marqaati ka ah sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed u aaseen.

Mar ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen xabsigii labaatan jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yiraahdeen Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada waan la soconnay ee waxaan ku su’aaleynaa sidee ayaad u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bisha intaba?.

Waxa uu su’aashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin waxaan ahaa xaafid Qur’aan. Usbuuca waxaan ula socday toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka aqrin jiray. Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay, waxaana xiddigaha iyo qorraxdaba kala socday duleel yar oo ku yaallay saqafka kore ee qolka. Muddo kaddib duleelkii yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha sidii aan u arki lahaa. Madaxa askarta xabsiga ayaa la ii geyn jiray maalmo kaddib si la iiga wareysto xaaladdeyda. Waxaan u sheegay in meel duleel ah oo ay qorraxdu ka soo gasho ay dhib igu hayn jirtay, Ilaahay baa meeshii qorraxdu ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo qoraxdii aan ka reystay. Kolkaa aniga waxaan rabaa si geedka loo gooyo, isla markiiba way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yiri Sheekhu.

Mar uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas, waxa uu yiri waxaa iigu yaab badnaa inay anigu caado ii ahayd inaan salaad walba aadaamo, waxayna igu yiraahdeen askartu ‘waa inaad joojisaa aadaanka.’ Waxaan iri xabsiyada dalka oo dhan waa laga aadaamaa ee maxaa keligey la iga rabaa, waxayna yiraahdeen ‘waa amar jooji,’ anigana ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay aadaankii kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu xir xireen (miig). Isma lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin. Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay Labaatan Jirow oo waxaa la ii soo beddelay Xabsiga Dhexe, waxaana la igu xiray qol ciriiri ah oo Shimbiroole la yiraahdo, magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay dhilqo fara badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya. Kaddib askartii gudaha ee xabsiga ayaa go’aansatay inay wax ii qabtaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta ay dhaqeen oo ay mariyeen rinji kaddibna ay ku xireen nal ayay igu yiraahdeen ‘Shiikhow naga raalli ahaaw,’ markaas kaddibna waxay noqotay in qolkii ay ku soo bixiyaan maxaabiista kale laaluush si ay u soo galaan ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Xasan.

Dhallinyarada baraarugga Islaamka ee Muqdisho ayaa ka sameeyey Sheekh Maxamed Macalliin qoraallo badan oo taariikhdiisa ku saabsan, waxaana ay ka sheekeeyeen bilowgiisii geeddi socodka iyo markii uu billaabay inuu raadiyo cilmiga diinta. Waxaa qoraalladaasi ku jira in markii Shiikhu yaraa ee uu geeriyooday aabbihiis Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis. Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan. Dabadeed wuxuu shiikhu raacay abtiyaashiis, sida uu sheegayo mid ka mid ah dhallinyaradii Shiikha haysay taariikhdiisa.

Abtigii ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray si uu kitaab ugu aqristo Baydhabo. Beydhabadii kuma uusan nagaanin Shiikhu oo asagoo meel fadhiya oo nin Imaam uu tujiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo ag fariistay oo yiri ‘kaalay anigaa kuu akhrinaayo oo galbeed baan ku geynayaa.’ Ninkii buu iska soo raacay. Wuxuu yimid Jig-Jiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo Sheekh Maxamed C/llaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay. Habeen bey la hoydeen asaga iyo dad kale. Sheekhuna wuxuu ku haray halkaas oo uu ka bilaabay kitaabkii ugu horreeyey Safiinaha ah oo muqtasir ah.

Dugsigii markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay. Macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan xerta iyo Shiikhoodaba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh ah oo la yiraahdo Xaaji Cali oo ka yimid Sacuudiga magaalada Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad looga aflaxay. Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan ayay ku qoreen majalad ka hadlaysa taariikhda Sheekha. Sidoo kale, Sheekhu wuxuu arday u noqday culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Buraawi.

Sheekhu, markii uu ka tagay gobolka Soomaali Galbeed waa uu lugeeyey, waxaana uu maray dalalka Itoobiya, Ereteriya, Suudaan illaa uu ka gaaray dalka Masar dabayaaqadi sannadkii 1958-kii. Inta uusan ka tegin gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ka yimid magaalada Hargeysa oo uu ka soo baxay, waxa uu maray Jigjiga iyo magaalooyin kale oo bariga dalka Itoobiya ah. Intii uu joogay Masar Sheekhu wuxuu arday u noqday Sheekhul-Azharkii xilligaas, Sheekh Cabdulxaliim Maxamuud. Sheekh Cabdulxaliim Maxamuud ayaa u ahaa ninka la talinayey markii uu diyaarinayey PhD-da.

Sheekh Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul Muslimiinka iyo dowladda, dabayaaqadii sannadkii 1950-kii iyo bartamihii 60-kii. Waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikriga iyo siyaasadda. Xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u shaac baxday. Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormuudka ka ahaa oo uu akhriyey kutubadooda. Waxaa ka mid ahaa culumadaas Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Hudeybi. Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Shiikhu waxa uu joogay Qaahira, wuxuuna u sheegay BBC-da inuu runtii aad ugu saamoobay arrintaas, aadna uga xumaaday

Hadaba sheekh Maxamed Macallin Xasan waxa uu ku geeriyooday dalka Talyaaniga oo ahaa aabbihii baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Macallin waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa iskugu yimid kumanaan-kun oo qof oo iskugu jira culumada, ducaadda iyo dadweynaha ku nool Xamar.

Sheekh Maxamed Macallin waxa uu ku lahaa magac weyn iyo taariikh dheer Soomaaliyaa. Waxa uu ahaa caalim laga tixgeliyo dhulalka Muslimiinta. Dacwadii Sheekh Maxamed Macallin Ilaahay waa barakeeyey, waxayna aqbalaadda in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo culumada Soomaaliyeed. Sidaasna wuxuu ku noqday aabbaha saxwada Islaamka ee Soomaaliya. Sheekha aaskiisii waxaa iskugu yimid culumo farabadan oo kala leh itijaahyo iyo aragtiyo kala duwan, kana kala tirsan ururrada Islaamdoonka Soomaaliyeed. Shiikhu wuxuu ifka kaga tagay hal wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood.

Geeridiisu waxa ay ka nixisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaasi darteed, Sheekhaas weyn ee caanka ah waxaan leennahay Alle ha u naxariisto, ha u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgoon iyo ha ku siiyo naruuro, Aamiin

Sheikh Maxamed inta uusan dhiman ayuu isagoo xauunsan laga qaaday dalka Sacuudiga, isagoo la socday Wiil La Yiraahdo C/Sitaar Maxamed Cali oo la sheegay inuu haatan ku nool yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

XIGASHO:MIDNIMO.COM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: