Taariikh koban muse suudi

Qeybti ( I )
Soomaaliya waxaa soo maray rag fara ku tiris ah oo ka tegay raad lagu xasuusto iyo qaar hadda nool oo ku mashquulsan taariikhdi ay ka tegi lahaayeen.

Ragga manta nool waxaa ugu cad cad ninka la yiraahdo Muuse Suudi Yalaxow. Waa nin ad-adag oo aan lagu aqoon been iyo cabsi, wuxuu ku caanbaxay ka dhabeynta ficil ahaaneed wixi uu ku hadlo.

Taariikhdu waa ay xusi dhacdooyinki badnaa uu dhigay ama sababtooda uu lahaa iyo tan uu manta ku mashquul sanyahay oo ah inuu dagaal weyn ka qarxo gobolka Banaadir. Dagaalkaas oo ujeedooyin badan xambaarsan.

Waa midda horee in lagu bara kiciyo, lana xasuuqo ummadda faraha badan ee masaakiinta ah ee kala gaari la’ baahidooda maalmeed, kuna hamminaaya ineey mar un helaan dowlad soo celisa nabadda, nidaamka, kala dambeeyn iyo adeegyadi aasaasiga ahaa.

Waa midda xigtee inuu dagaalku gaaro gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u burburto Dowladdi lasoo foolinaayay muddadi labada sano iyo dheeraadka aheyd ee saldhigga ku meelgaarka ah ka dhigatay halkaas.

Waa midda ugu daranee, in rajada nabadeed iyo wada heshiisiinta ay u dhunto, dibna loogu noqdo colaadi, kala qeyb sanaanti, markaasoo ay isbaarooyinki u fududaanayaan ineey sii badiyaan ragga maanta hubka culus gacanta ugu jiro, kuna amar ku taagleeyaan ummadda maasaakiinta ah.

Muuse Suudi waa nin ay ka go’an tahay “waari meysidee war hakaa haro”, taariikhdiisa oo qeyba qeybo ahna waxay ku keydsan tahay bogagga Internetka Soomaaliyeed, kubaasoo isugu jira codkiisa iyo qoraalaba. Dhacdooyinka waaweyn ee lama illaawaanka ah ee loo nisbeeyana intooda badan asaga ayaa naf ahaantiisa caddeystay.

Taariikhda iyo wixi ay ka qortaba waa midaan la baajin Karine, dagaalkaas mala baajin karaa ? Yaase baajin kara ?

Qeybti ( II )

Taariikhdu waa ay xusi qofkastoo ka dhex muuqda ummaddiisa, sida jirtana Muuse Suudi Yalaxow waa uu ka dhex muuqdaa ummadda Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuusan doonaa hadaladiisa culculus e xag jirka ah iyo tallaabooyinki xoogga lahaa ee uu ku hakiyay dawladihi la’isku dayay in laga hirgeliyo magaala madaxda Somaaliyeed.

Waxaan shaki laheyn in uu Muuse Suudi Yalaxow ka geli bogagga hore taariikhda qarniga 21aad, mar uu ka hadlay afhayeenkiisi hore Dr. Culusow (Black), wuxuu yiri “ Muuse wax ma dhisee wax buu dummiyaa ”. Hadalkaas miisaanka leh meel cidla ah ma dhicin, sida hadda muuqatana, Xaajiga wuxuu ku guda jiraa sidi uu u dummin lahaa maamulka ka dhisan gobolka Banaadir, taasoo uu u arko haddii uu ku guuleysto inuu hubo burburinta dawladda Federaalka ee ku meel gaarka ah ee deggan Shabelaha Dhexe.

Ma’aha marki ugu horreeysay ee uu Muuse Suudi jallaafo u dhigo dawlad ama dad doonaaya ineey nidaam unkaan. Wuxuu qeyb Libaax ka ciyaaray dumminti dawladdi Cali Mahdi Maxamed, taasoo aad iyo aad loogu hanweynaa ineey ummadda ka tir-tirto diifti iyo dar xumadi ka soo gaartay xukuumaddi Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa ku xigay dawladdi la’isugu tagay ee lagu dhisay magaalada Carta ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taasoo uu adeegsaday naf iyo maalba sidi ay ku dummi lahayd, aaqirkiina bacaadka ayeey afka la gashay.

Qeybti ( III )

Muuse Suudi Yalaxow wuxuu uga duwan yahay raggi ku soo biiray masraxa siyaasadda ama taariikhda Soomaaliyeed tan iyo goortii la riday xukuumaddi Siyaad Barre, fikradaha la yaabka leh ee xagjirka ah ee aan ku qotomin qabiilka. Illaa iyo haddana lama garan ujeedadiisa iyo halka uu beegsanaayo, waa nimmaan u rooneyn dadkiisa, deriskiisa iyo kuba ka fogba.
Inkasto uu la wadaago isbed-beddalka fikradeed ragga siyaasiinta isku sheega ama loo yaqaanno hoggaamiyayaasha intooda badan, haddana waxaad arkeysaa inuusan lahayn aragti dheer, taasoo iftiimisa biya dhiciisa, illaa iyo haddana lama garan hal beeggiisa.

Muuse waa ninkii garoonka diyaaradaha caalamiga ahaa ee Muqdisha dhagaxa ku daadiyay, waa ninkii general Ceydiid qabarkiisa keenay, degmada Madiina ka qaxiyay dadki aasaaskeeda lahaa, qaarna ay ku naf waayeen. Waxaa intaas sii dheer degmada Kaaraan oo ahayd xuddunti reerkiisa inuu u rogay goob aan leyku salaamin.

Taariikhda Muuse laguma haayo deeq ama gargaar uu u fidiyay goob waxbarasho ama caafimaad, waxaase badan oo lagu xasuusan doonaa qadooyin ii dhex ah uu bixiyay.

Xigasho:taariikh.tripod.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: